Magacyada Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Ku Geeriyooday Shilkii Baabuur Ee Sudan Ka Dhacay

0
476

naxdinHargeysa (Geeska)-Tahriibyaal reer Somailand ahaa oo u sii jeeday dalka Liibiya oo ay doonayeen in ay uga gudbaan qaaradda Yurub ayaa ku dhintay duleedka Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan, kadib markii gaadhigii ay saarnaayeen la dhacay, gaadhi kale oo xamuul ahina uu dul maray.

Gaadhigan oo ahaa nooca xaajiyadda loo yaqaanno waxaa saarnaa dad lagu qiyaasayo 19 ruux oo marka laga reebo hal ruux oo Itoobiyaan ahaa iyo labadii masuul ee gaadhiga oo Suudaan ahaa inta kale ay ahaayeen Soomaali.

Dhalinyarada reer Somaliland ahaa eek u jiray tahriibyaashan geeriyooday oo uu Geeska Afrika magacyadooda ogaaday ayaa ka koobnaa wiil iyo gabadh walaalo ah iyo gabadh kale oo dhammaantood ka soo jeeda magaalada Hargeysa, Alle ha u naxariisto ee magacyada saddexdaas qof waxa ay kala yihiin:

Adna Yuusuf Kiiloo iyo walaalkeed Aadan Yuusuf Kiilo. Halka ruuxa saddexaadna uu ka ahaa Alle ha u naxariisto ee Xamda Xasan.

Waxa jira warar sheegaya in labada dhalinyarada ah ee walaalaha ah uu wiilku isagu waxbarasho jaamacadeed kaga jiray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, sababta uu safarkan tahriibka u raacayna ahayd keliya in uu sagootiyo walaashii oo uu doonayey in uu xadka gaadhsiiyo.

Dadkii saarnaa gaadhigan qallibmay waxaa ka badbaaday gabadh keliya oo iyadana sida ay wararku sheegayaan kooma ku jirta, dhaawacyo aad u waaweyna qabta.