Magacyada Ardayda Ku Guulaysatay Tartanka 30-ka Jis Ee Qur’aanka Kariimka Ah

0
4087

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay galab magaalada Hargaysa lagu soo gabagabeeyey tartanka xifdiga quraanka kariimka ah oo sannad kasta lagu qabto magaalada  Hargaysa. Waxaana sannadkan ka qayb galay gobalada Hargeysa, Saaxil, Awdal, Sanaag iyo Gabiley.

Munasibad loo sameeyay gunaanadka tartankaas qur,aanka kariinka ah oo lagu qabtay masaajidka Cali Mataan ee magaalada hargaysa waxa ka soo qayb galay Sh.Maxamed sh.Cumar dirir Sh Maxamed Aadan, Sh. Maxamed Cali Gadhle, Sh. Maxamed Macallin Carab, guddidii qaban qaabada ,iyo dadweyne aad u tiro badnaa.

Haddaba ugu horayn halkaasi waxa ka hadlay sh.ismaaciil cabdi hure (sh.ismaaciil dheeg)oo ka mid ahaa guddidii qaban-qaabada tartanka quraanka kariimka ah mudadii tartankan la soo qabanayey oo laga joogo mudo sagaal iyo toban sannadood ah waxaana uu sheekhu faahfaahin dheeraada ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu tartankani soo maray  mudadii uu soo socday waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “ugu horeyn waxa mahad iska leh ilaaha halkan iskugu keen keenay walaalayaal anigoo ku hadlaya magaca guddida qaban-qaabada waxa aan mar labaad ilaahay ugu mahad naqayaa in mashruucani noqdo mashruuc sanadle ah oo dhanliyarada wadanku ay isugu yimaadaan magaalada hargaysa si ay uga qayb qaataan tartanka sannadlaha ah ee bisha ramadaan la qabto marka labaad waxa aan jecelahay in aan soo dhawayno dadka ka soo qayb galay soo dhawaynta ka dib waxa aan jecelahay in aan u mahadnaqo cid kasta oo ka qayb qaadatay in uu tartankani hirgalo waxaana aanu si gaara ugu mahadnaqaynaa shirkada dahabshiil oo dhiiri galiye weyn u ah tartankan, tartankan sannadlaha ah ee aynu qabano hadafka iyo u jeedada aynu ka leenahay qabashadiisa waxa kow ka ah in bisha ramadaan aynu quraanka noolayno ta labaadna waxa ay tahay in aynu ogaano heerka dhanlliyaradeenu ay ka marayaan xifdiga quraanka kariimka ah meel kasta oo ay joogaan miyi iyo magaalaba waxa kale oo u jeedooyinkaasi ka mida in aynu dhiiri galino dhanlliyaradeena ku mashquulsan quraanka kariimka ah xifdigiisa loona sameeyo kulamo joogta ah oo ay ku kulmaan ka Berbera ka yimi ka Burco ka yimi , Boorama ka yimi iyo kan Hargaysa jooga ugu danbayntii waxa ka mida in ducaadii iyo culimadii barrito badali lahayd cullimada maanta aanu soo saari lahayn, walaalayaal tantankani waxa uu soo maray maraaxil kala duwan waxaana uu soo socday muddo haatan laga joogo sagaal iyo toban sanno marxaladii koobaad ee tartankani waxa ay ahayd markii uu socod baradka ahaa oo ahayd sannadihii kow iyo sagaashankii ilaa afar iyo sagaashankii waxaana tartanka ka qayb gali jiray dhanlliyaro kali kaliya oo masaajidada quraanka ku xifdiyi jiray oo ahaa dhanlliyaradii qaxoontiga ku soo kortay waxaan wakhtigaasi na caawin jiray guddidii samafalka islaamka la odhan jiray,marxaladii labaadna waxa ay ahayd marxaladii soo shaac baxa waxaana wakhtigaasi maal galin jiray dad afraada wadanka joogay wakhtigaasna waxa ku tartami jiray madaarasadaha marxalada saddexaadna waa tan maanta uu marayo taas oo noqotay in madaariskii la sii casriyeeyo oo loo talaabiyo in ay gobbolada madaariska ka jiraa ay ku tartamaan saddex iyo tobankii  sannadood ee ugu dambeeyayna waxa maal galinaysay shirkada dahabshiil ) gabagabadii waxa uu sheekhu aad u amaanay guddii garsoor oo uu sheegay in ay iskugu dhafnaayeen goboladii ka soo qayb galay waxa kale oo uu sheekhu amaan u soo jeediyey dhanlliyaradii ku tartamaysay tartankan oo uu ku tilmaamay kuwo aad ugu soo diyaar garoobay muujiyeyna xiisaha ay u qabaan xifdiga quraanka kariimka ah.

Gababadii waxa munaasibadaasi lagu soo xidhayey tartanka xifdiga quraanka kariimka ah soo xidhay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxaana uu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa farxad weyn ii ah in aan ka soo qayb galo xafladan lagu soo xidhayo tartankan xifdiga quraanka kariimka ah oo dhalliyaro tiro badani ay gobolada dalka iskaga yimaadeen bishan aynu ku guddo jirno walaalayaal waxa weeye bishii quraanka waxaana nabiga scw quraanka u marin jiray marka bishu bilaabanto malakul jibriil markii uu rasuulku dhimanayey waxa uu malakul jibriil la dhameeyey laba jeer waxaana walaalayaal la inooga baahan yahay in uu quraanku nolosheena ka muuqdo oo aynu dabaqno ku dhaqankiisa maadaama oo uu ilaahay inaga fadilay umadaha kale waxaana aan amaan balaadhan u soo jeedin lahaa cullimadaa isku hawlay sidii ay u joogtayn lahaayeen tartankan oo amaan mudan.”

Waxaana uu wasiirku gabagabadii jaaisadihii kala duwanaa guddoonsiiyey tartamayaashii kaalmaha hore galay ee ku guulaystay tartanka xifdiga qur,aanka kariimka ah  waxaana kaalmaha hore ee soddonka jis tartankaasi u galay

 

1- Waxa galay Sharmaake Rashiid Nuur oo keenay (98.83)oo ka socday Hargaysa gaar ahaana madarasada umul quraan waxaana uu jaaisad ahaan u helay

 kitaab electronic ah,kitaab qur,aana , saacad ,rikoodh ,shahaadad, cadar iyo lacag toddoba boqol oo dollar (700$) waana inankii noqday inanka horyaalka iyo hogaamiyaha xifdiga quraanka ee sannadka.

2- Waxa galay Shucayb Ismaaciil Cabdi oo keenay (98.7%)kana socday hargaysa waxaana jaaisad ahaan loo siiyey kitaab qur,aana , saacad ,rikoodh ,shahaadad, cadar iyo lacag shan boqol oo dollar(500$)

3- waxa galay Axmed maxamed ducaale waxa uu keenay (98.5%)waxa uu ka socday magaalada hargaysa waxaana uu jaaisad ahaan u helay kitaab qur,aana , saacad ,rikoodh ,shahaadad, cadar iyo lacag dhan afar boqol oo dollar (400$)waana uu laxaad la,aa wiilkaasi yari

4- Waxa galay Jaabir Sheekh Maxamed Cali Biixi oo keenay (98.4%)waxa uu ka socday gobolka sanaag magaalo madaxdiisa ceer-gaabo waxa uu jaa isad ahaan u qaatay kitaab qur,aana , saacad ,rikoodh ,shahaadad, cadar iyo lacag dhan saddex boqol iyo konton  doolar(350$)

5- Waxa galay C/raxmaan c/shakuur waxa uu keenay (98.3%)waxaana uu ka socday gobolka awdal magaalo madaxdiisa boorama waxa jaaisad ahaan loo siiyey

kitaab qur,aana , saacad ,rikoodh ,shahaadad, cadar iyo lacag dhan saddex boqol oo doolar(300$).