Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Lix Nin Oo Loo Qabqabtay Amni Daradii Lascanod Ka Jirtay

0
760

Lascanod(Geeska)-Badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobalka Sool Maxamed Maxamuud Cali ayaa daboolka ka qaaday in falalkii amni daro ee magaalda laascaanood haatan la dhimay, isla markaana ay gacanta ku hayaan lix qof oo ku eedaysan falal dambiyeedyada. Sidoo kale waxa uu shacbiga gobalkaas u dhashay ugu baaqay inay ka shaqeeyaan aminga golkooda.

Badhasaabka oo uu wargayska Geeska Afrika ugu horayn wax ka waydiiyay xaalada guud ee amniga gobalka Sool ayaa waxa uu yidhi “Haatan xaalada amaan ee gobolku aad ayay u fiicntahay, gaar ahaan caasimda oo laascaanooda oo inta badan dhibaato iyo amni xumo ay ka jirtay, inta badan ee amniga imika gacanta ayaanu ku dhignay. Dadkii cadawga ahaa ee dadka laynaayey waxna waan qab-qabanay, sida aad la socoteen waxna way noo hadheen, markaa xaalada amnigu waa ay saraysaa.” Waxa uu badhasaabku ka hadlay oo kale tirda dadka u xidh xidhan dilalka qorshaysan ee gobalkaas ka dhaca “Lix qof  ayaa maalmihii u danbeeyay loo qabaqabtay falalka amaan daro, dadkana wixii aan danbi lahayn waa la sii daynayaa, dhamaana maanta dadka gobalka dagani waxay diyaar u yihiin in amaanka la sugo oo cadawga ku soo duulay la qabqabto.” Sido kale isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “Guddi heer qarana gobalka loo soo diray ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay dhanka amniga, markaa xaga amnigana magaaladu way is badashay”

Ugu dambayntii badhsaabka cusub ee gobalka Sool waxa uu u soo jeediyay in dadka reer Sool meel kasta oo ay joogaan ay ka taliyaan amniga gobalkooda, wuxuuna yidhi  “Dadka reer laasacaanood waxaan u soo jeedinayaa inay meel kastaba ha joogeene ay ka taliyaan amaanka gobalkooda, dadka cadwaga ah ee ku soo duulay iyo shaqsiyaadka iyaga ah ee la khaldayba inay meel uga soo wada jeedaan ayaan u soo jeedinayaa.”