Magacaabista Wasiirada Dawladda Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelanayaan Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee 15 January

0
480

Picture7Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha dawladda Somaliya ayaa shalay Baarlamaanka dalkiisa ka codsaday in la siiyo wakhti dheeraad ah oo ah 10 maalmood si uu u soo dhiso xukuumadii laga sugayay ee bedeli lahayd xukuumadii hore.

Mr. Cabdiweli ayaa qoraal uu shalay Baarlamaanka u gudbiyay wuxuu ku codsaday wakhtigaas dheeraadka ah, waxaanay Baarlamaanku ku ogolaadeen cod aqlabiyad ah tobankaas maalmood ee uu raysalwasaaruhu soo codsaday. Waxaana la soo werinayaa inay isaga iyo Madaxweynuhu isku maandhaafsanyihiin xubnaha golaha wasiirada qaarkood.

Geesta kale, dib u dhacan ku yimid magacaabista golaha wasiirada dawladda Somaliya waxay saamayn toos ah ku yeelanaysaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo qorshaysan 15 January oo ay maalmo koobani inaga xigaan, kaas oo ay weftiga Somaliland u joogaan Addis Ababa si ay ugu sii gudbaan wadanka Turkiga oo ay wufuuda labada dal ku kulmayaan. Lama garan karo wakhtiga mar kale loo riixi doono wada hadalka, waxase la ogyahay in marka uu raysalwasaaraha Somaliya magacaabo wasiiradiisa islamarkaana uu Baarlamaanku ansixiyo ay wada hadaladu qabsoomi karaan, maadaama oo ay dawladda Somaliya hore u sheegtay inay wada hadalka uga qayb geli doonaan wasiiro rasmi ah oo aan ahayn kuwa hadda xilka sii haya.

Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay si toos ah iyo si dad banba uga cago jiidayso wada hadalka ay la leedahay dawladda Somaliya, kuwaas oo dhawr goor oo ay bishani u dambaysay dib uga dhacay wakhtigii loogu tallo galay ka dib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh codsaday in dib loogu dhigo.