Burco: Taageerayaal Cusub Oo Ku Biiray Xisbiga Waddani

0
511

Picture2Burco(Geeska)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhaweyn ah magaaladda Burco ugu qabtay taageerayaal tiro badan oo ku soo biiray kuwaasi oo iskugu jiray Madax-dhaqameed ,Aqoonyahano ,Dhalinyaro iyo Haween.

Taageerayaashan oo ka soo jeeda beelaha Awal Bari ee gobolka Togdheer ayaa xafladii soo dhaweyntooda oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee magaaladda Burco waxa ka qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ,Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer ,Salaadiin iyo marti sharaf kale .

Oday Maxamed Caawiye Mire oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Awal Bari ee gobolka Togdheer ee taageerayaashan horkacaayay ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Anigoo ka mid ah Odayaasha Beesha Awal Bari  waxaan manta halka ka cadaynayaa in aanu usoo guuray oo aanu ku biiray Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ,waxaananu ka soo baxnay xisbiyadda kale ,waxaanan si gaar’ah u salaamayaa Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro waxaanan Ilaahay uga baryayaa in uu noqdo Madaxweynaha mustaqbalka.

Intaasi ka dib waxaan leeyahay Xisbiga dee waanu idiin nimi ,waxaananu idiinku nimi walaal nimo ,qaar-baanu uga soo yaacnay anagaa Xisbiga leh ,markaa inaga ilaaliya taasina waa kaftane hadhawto “ Sidaasi ayuu Maxamed Mire.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Marka hore waxaanu xisbi'ahaan si weyn usoo dhawaynaynaa taageerayaasha beelaha Awal Bari ee Xisbiga Wadani ku soo biiray ,waxaananu leenahay soo dhawaada walaalayaal Xisbigu waa xisbigiinii cidina idinkama xigto hore-na waad ugu jirteen ,imikana taageeradiinii ayaad sii xoojiseen.

Marka labaad waxaynu wada ogsoonahay maanta wacyiga siyaasadeed halka uu maraayo markaa Xisbiga Wadani waxa uu bulshadda reer Somaliland u balanqaadayaa oo dhalinyaradda iyo haweenka  hadii uu guulaysto in uu wax ka qaban-doono duruufaha shaqo-la-aantu u horeyso ee wadanka ka jira ,kuwaasi oo aynu ka warhayno saameynta ay dhalinteenii ku yeesheen..

Xildhibaan Naasir X. Cali Shire iyo Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo iyana xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-naqay taageerayaashan ku soo biiray Xisbiga Wadani ,waxaaney sheegeen in xisbi'ahaan hadii ay hugaanka wadanka ku guulaystaan ay raadin-doonaan aqooniga Somaliland isla markaana kor u qaadi-doonaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland iyo ganacsiga xorta ah.  Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay masuuliyiin sar sare oo Xisbiga Wadani ka tirsan kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Hinda Jaamac Gaane ,Jaamac Sidiiq iyo Cuqaal.