Magaalo Aan 400 Oo Sano Wax Lagu Kala Xadin, Albaabada Aan La Qufulin, Cidina Aanay Ilaalin Guryaha

0
491

1Delhi (Geeska)- In kasta oo uu ka mid yahay degmada ay dembiyada ugu badani ka dhacaan dalka Hindiya, haddana tuulaha Shani Shinqabuur oo dadka deggen tiradoodu gaadhayso 3 kun oo ruux oo aaminsan diinta Hinduusku, muddo 400 oo sano ah wax tuugo, dil ama dembi kale oo weyni kama ay dhicin. Vaebhav Patekar oo ah taliyaha bilayska ee tuulahan ayaa warbaahinta oo arrintan wax ka weydiisay ku yidhi, “Magaalooyin iyo meelo badan oo miyi ahba waa aan ka soo shaqeeyey, weli ma’aan arkin ama maqal meel dunida ka mid ah oo sida tuulahan u wanaagsan. Muddo 400 oo sano ah wax fal tuugo ahi kama uu dhicin, weliba dadka tuuluhuna waxa ay aaminsan yihiinba in tuulaha wax tuugo ahi aanay ka dhacaynba” Bulshaahib Roganat oo isaguna ah ganacsade meherad weyn ku dhex leh tuulahan, muddana guddoomiyaha Tuulaha ahaan jiray ayaa isaga oo isla arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Mararka qaarkood, xitaa haddii aan ka tago tuulaha oo aan bil ka maqnaanayo, meheraddayda keliya waxa aan afka ka sii saaraa loox yar. Intaa aan maqanahayna wax shaki ah kama qabo in xoolahayga cidi xaddo”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Russia Today ayaa intaas ku daraya in sababta keliya ee keentay in dadka tuulahani sidaas u noqdaan aamin aan tuug ka dhalan, mid dibadda kaga yimidna ku dhex dhuuman karin, ay tahay dadkan oo si aad ah u aaminsan caqiidadooda oo ah mad-hab ka mid ah diinta Hunduuska, aaminsanaantaas diineed oo faraysa in aanay waxba kala xadin, isla markaana nabadgelyo lagu wada noolaado ayaa ah sababta meesha ka saartay dembiyada ka dhaca dhulka kale ee ku xeeran, oo tuugada iyo dilkuba ka mid yihiin. Wacdi joogto ah iyo dadka oo si xad dhaaf ah loo aaminsiiyey caqiidadoodan ayaana sababtay in xitaa jiilalka soo kacayaa ay maraan tubta ay mareen awoowyadood.