Magaalada Burco Oo Ay Gaadheen 700 Oo Kiish Oo Raashinkii Turkigu Ku Deeqay Ah

0
597

Picture1Burco(Geeska)- Waxa magaalada Burco gaadhay 700 kiish oo bariis iyo daqiiq ka kooban, kaas oo ah mucaawinadii dawlada Turkigu ay ugu talo gashay dadka baahan ee reer Somaliland.

Waxaana raashinkaas warbaahinta uga warmay badhasaab ku xigeenka gobalka Togdheer Maxamed Muxume Yuusuf ( Ubaxle ), oo sheegay in raashinka loo qabin doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobalka Togdheer, isla markaasna qayb ka mid ah raashinka al gaadhsiin doono malgaalada Oodweyne.

Dalka Turkiga ayaa Somaliland u soo diray raashin mucaawino ah oo lagu taageerayo dadka baahan ee reer Somaliland, waxaana raashinkaasi uu ka koobnaa 500,000 oo kiish oo isugu jira Daqiiq iyo Bariis, raashinkan gaadhay magaalada Burco ayaa ah qaybtii ugu horaysay ee raashinkaas mucaawinada ah oo ay xukuumadu sheegay in la gaadhsiin doono dhamaan gobalada waawayn ee dalka iyo magaalada Buuhoodle.