Maxkamadeynta Eedaysanaha Qaraxyadii Bostan Oo Dood Sharciyadeed Dhalisay

0
447

Dawlada Maraykanka ayaa si rasmi ah dacwada ugu soo oogtay eedaysanaha loo heysto inuu kamid ahaa labadii qof ee fuliyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston 15kii bishan April.

Ninka lagu magacaabo Dzohkhar Tsarnaev oo ah 19 sano jir oo ay dhaawacyo culus soo gaadheen xiligii la qabanayey ayaa hada la sheegay inuu dhan yahay miyirkiisu, taasi oo keentay in dowladu u sheegto dacwadaha lagu soo oogayo.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey danbiyo culus oo ay ku jiraan adeegsiga hubka sida ba’an wax u dila iyo dilka iyo dhaawaca dadkii wax kasoo gaadheen qaraxyadii Boston. Danbiyada loo heysto ayaa hadii lagu helo xukunkiisa noqon karaa dil ama xabsi daa’in.

Dood xoogan ayaa ka dhalatay habka loo maxkamadeenayo ninkan iyadoo xildhibaano kamid ah Xisbiga Jamhuuriga ay codsadeen in maxkamad militari lasoo taago ninkan iyagoo ku tilmaamay inuu yahay cadow la dagaalamayey dalka Maraykanka, arrintaasi ayaa waxaa ku gacan saydhay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan uu yahay nin heysta dhalashada Maraykanka, isla markaana ay khasab tahay in danbiyada loo heysto lagu soo taago maxkamadda shibilka ee dalkaasi Maraykanka.

Dhinaca kale koox kamid ah shacabka Maraykanka ayaa rumeysan in qaraxyadii Boston aanay  fulin labadan wiil ee muslimiinta ah balse ay ku lug lahaayeen Hay’ado kale iyagoo shabakadaha internetka soo galiyey sawiro iyo warbixino ay shaki ku ka galinayaan in ninkan iyo walaalkii ay kaligood fuliyeen qaraxyadaasi.

Kooxaha u dooda xaquuqda Shacabka ayaa ku eedeeyey Dowlada Maraykanka in ay adeegsatay sharciyo ka baxsan Dastuurka Maraykanka muddadii halka usbuuc ahayd oo ay baadi-goobka ugu jirtay ninka lagu eedeeyey qaraxyadii Boston, sharciyaqaanada ayaa sheegay in dowlada ay muddo 5 maalmood ah ciidamada amniga oo aan fasax ka heysan maxkamadaha baadhitaano ku sameenayeen guri walba oo ay doonaan oo ku yaal nawaaxiga Boston, taasi oo ka horimaaneysa sharciga dalkaasi.

Kooxaha dhanka sharciga wax ka eega ayaa ku tilmaamay arrin khatar leh habka baaxadaleh oo ay dowlada Maraykanka u adeegsatay awoodeeda xiligii ku raadjoogtay halkan nin ee qaraxyadaasi loo heysto.