Laba Fanaan Oo Bogaadiyey Wasiirka Cusub ee Waffaafinta

0
646

BOOBELondon(Geeska)-Jilayaasha caanka ah ee Mustafe Maxamed Waris (Mustafe Kiiko) iyo Fanaanka weyn  ee Hoboladii Waabari Saalax Qaasim Naaji ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista uu Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale.

Sidaas waxay  ku sheegen mar ay lasoo xidhiidheen Wargayska Geeska Afrika iyo Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, Labadan sugaanyahan oo kamid ah kuwa ugu caansan dadka ku jira bahda sugaanta Somaalida ayaa ku tilmaamay Boobe Yuusuf Ducaale shakhsi ku haboon Wasaaradaas, waxay sidoo kale u mahad naqeen Wasiirkii Hore Axmed Cabdi Xaabsade. Ugu horreyn Mustafe Kiko oo arrimahaas ka hadlaaya ayaa yidhi. "Waxaanu si weyn u soo dhaweynaynaa Mud: Boobe Yuusuf Ducaale oo ah nin Sugaan dhaadhi ah oo si weyn ugu jira Sugaanta, sidoo kale Boobe waa Suxufi iyo qoraa badhax tiran, malaa baryahan danbe ayay yara kala durkeene sugaanta iyo Saxaafaddu waa la badashay ee mataanaha ah, sidaa daradeed waxaan leeyahay Madaxweyne Axmed Silaanyo doobir ayuu ku eegay magacaabista Boobe Yuusuf Ducaale, runtii aqoon fiican ayaan u leeyahay  waxaan ku kalsoonahay inuu meel sare gaadhsiin doono Wasaaradda isla markaana barnaamijyo dhaxal gal ah ku soo kordhin doono Telefeeshinka Iyo Ilaacadda Qaranka iyo dhammaan warlaliska Wasaaradda iyo hagisteeda."

Sida uu ku soo waramay weriye Muniir Axmed Cigaal, oo ku sugan magaalada London, Mustafe Maxamed Waris oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. "Waxaan runtii u mahad naqayaa sidoo kale Wasiirkii hore Axmed Cabdi Xaabsade hadana ah wasiirka hawlaha guud, oo Wasaaradda horumar kaga tagay, Telefeeshinka Qaranka oo uu dhammaan dacalada dunida gaadhsiiyay waa horumar lagu ammaani karo. Markaa isna waxaan u rajaynayaa nasiib fiican wasaaradiisa cusub.   Hadaan Boobo Yuusuf Ducaale ka I dhaahdo kalmadayda u danbeysa runtii waxaan rajaynayaa inuu noqon doono  Wasiir isku xidhka warbaahinta iyo sugaanta tariikhda ku gala. Waayo waa Saxafi marka kobaad waana Sugaanyahan,  taas ayaa u sahlaysa inuu si fudud uga baxo hawsha u taala. Dadku Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta waxay modaan Wasaarad hawl yar, maaha runtii waa Wasaaradda ugu ballaadhan qaranka shacabka haddii laga dhergiyo wacyigalin iyo warbaahin haqabtiran oo tafatiran wax kaleba Qaranku uma baahna."

Sidoo kale Fanaanka weyn ee Saalax Qaasim Naaji ayaa isna dhinaciisa soo dhaweeyay Magacaabista Boobe Yuusuf Ducaale oo uu ku tilmaamay Sugaanyahan aftahan ah suxufina ah arrimahaas oo dhammaantod hibo ah. Si kastaba ha ahaate hadalkan soo dhaweynta ah ee ay u mujiyeen Labadan jilaa ee caanka ah ayaa  yimi wakhti dardar cusub laga filaayo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Boobo Yuusuf Ducaale oo aan wali xilka si rasmiya ula wareegin.