Madhalaysnimo Ayaa Laga Qaadaa Weelka Balaastika Ka Samaaysan Marka La Geliyo Moofada Korontada ‘Microwave

39
3142

Hargeysa (Geeska)- Moofada korontada ku shaqaysa ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Microwave’ waxa ay maanta ka mid tahay agabka agabka ugu badan ee yaalla madbakhyada cuntada lagu kariyo, iyo xitaa goobaha kale ee xafiisyadu ka mid yihiin. Loona isticmaalo cunto karinta iyo cunto kululaynta labadaba. Haddaba waxaa soo baxaysa xaalado haddii aan mishiinkan sida saxda ah loo isticmaalin ay ka dhalan karto caafimaad darro khatar ahi.

Warbixin lagu daabacay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in saynisyahannadu ay ka digeen in weelka ka samaysan balaastikada, lagu rido cuntada ama cabbitaanka lagu karinayo ama lagu kululaynayo mishiinkan ‘Microwave’ ka, kaas oo ay sheegeen in ay ka dhalan karaan xaalado caafimaad darro oo ay ka mdi tahay madhalaysnimo, Kansar, Buurni xad dhaaf ah iyo dhiigkar.

Cilmibaadhis ay samaysay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard, ayaa lagu sheegay in weelka balaastigga ah oo lagu isticmaalo moofadan korontada ku shaqaysaa ay sababto in kulaylku uu weelkan ka soo saaro maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Dioxin’. Maadaddan oo ka mid ah sababaha aasaasiga ah ee keena Kansarka ayaa marka la falgelaysa cuntada ku jirta weelka caagga ah,  kaddibna sidaa jidhka qofka ku gaadhaysa.

‘Dioxin’ oo sida oo kale ka soo baxda kuddaafadaha lagu gubo maaddooyinka ay bacda (Balaastikada), qoriga iyo macdanaha kale ku jiraanayaa la sheegay in boqolkiiba 95 maaddooyinka kiimikaad ee ku jiraa ay bannaanka u soo baxaan marka la kululeeyo, taasina ay tahay sababta u fududaysay in ay dhaqso u sababto dhiigkarka, macaanka, buurnimada iyo kansarka.

Waxa kale oo ay cilmibaadhisuhu muujinayaan in maaddooyinka kiimikaad ee ay ka mid yihiin ‘Bisphenol’ iyo ‘Phthalates’ oo labaduba soo raaca uumi baxa caaggan ku dhaca marka mishiinka ‘Microvwave’ ka la geliyo ama la gubo, ay sababaan isbeddel ku dhaca hormoonnada bacariminta ee dadka, taas oo ka dhigta madhalays.

Waxa ay dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu marar badan ku celcelinayaan digniintooda ah in cuntada mishiinkan la gelinayo aan lagu ridin weel ka samaysan cagga noocyadiisa oo dhan ama aan bac ku duubnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here