“Madaxweynuhu Yuu Isku Dhiganin In Isaga Oo Xilkiisa Gudun Waayey Hadana Loo Jadiidiyo”

0
580

Picture8Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga  Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa  sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), aanu daacad ka ahayn in dalka doorasho  laga qabto, isla markaana uu damacsan yahay in muddo kordhin loo sameeyo, waxaanu sheegay in marka  ay dhammaato xilka Shanta Sanno ee loo doortay in isaga iyo Madaxweynuhu ay u siman yihiin Madaxtooyada, isla markaana aanay ka aqbali doonin muddo kordhin.

Guddoomiyaha Madasha Wadat-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa sidoo kale fariin digniin ah u diray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waxaanu ugu baaqay inuu ku eekaado hawlihiisa  shaqo, oo aanu gelin wax aan shaqadiisa ahayn.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Crown Hotel ayaa sidoo kale dhaliil u soo jeediyey Golaha Guurtida waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay   “Baryahaaba waxa aanu filaynay inay Doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan, Dawladda oo aanu ku tuhunsanayn inay ka cago jiidayso, ayaa sida dhaqanka inoo noqotay Golayaasha la doorto sida Golayaasha Dawladaha hoose iyo haddii ay tahay Golaha Wakiilada iyo Madaxweynahaba, iyaga Guurtida ku dari maayo oo dadkuba wuu wada og yahay in maalinta ay dhasheen ilaa  maanta ay taagan yihiin, waxa caado noqotay in intaas oo dhan muddadu dhaafto, xil waliba muddo ayuu leeyahay, Umadduna cid ayey igmatay inay halkaas u fadhido oo ay shaqayso, muddadaasi marka ay dhamaato, waxa dhaqan noqotay in la iska sii fadhiyo oo la caadaystay, taas oo xaaran ah, Sharcigana ka hor imanaysa, waayo Sharcigu waxa uu bixiyey in Madaxweynuhu Shan Sanno fadhiyo, shantaas Sannana wixii ka dambeeya la badalo, Barlamaanka intaas in leeg, Guurtidana laba Sanno ayaa loo qabtay, imikana dhawr iyo labataan Sanno ayey marayaan, oo wey isku dhaleen, Guurtida waxa ugu yar cida galaysa 45-jirka, haddana wax ka yar 20-jirka ayaa ku jira, waayo dhaxal ayey noqotay, Kursi Doorasho ku yimaadana inuu dhaxal noqdo maaha”.

Xasan Guure Jaamac isaga oo ka hadlay Diiwaangelinta ayaa yidhi “Khamiistii hore waxa ay Dawladda ay soo jeedisay oo ay  Barlamaanka u soo gudbisay Xeer Diiwaangelinta ah, laba Diiwaangelinood ayaa jiray, midi waxa weeye Diiwaangelinta Dadweynaha oo qofka marka uu dhasho ay tahay in la diiwaangeliyo, si dadka tiradiisa loo ogaado, midina waa ta cod bixiyayaasha, oo waxa la isku ogaa Komishiinka Doorashooyinka, Saddexda Xisbi, Dawladda iyo Hay’addaha qaadhanka bixiyayaasha Doorashadaas qabashadeeda,si aanay wakhtigeeda aanay u dhaafin in Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha la horeeysiyo oo wakhtigeeda la qabto, waajib ayey ahayd in markii ugu horeeysaba la bilaabo, inay isku xidhmaan maaha, waxayna Dawladdu soo jeedisay labadii Xeer oo ay isku lifaaqday, oo ay tidhi mar ha la wada qabto, waxa aan halkan ku haynaa Waraaqo ay is dhaafsadeen Dawladda, Komishanka, Xisbiyada iyo qolada qaadhaan bixiyayaasha, in la qabto Diiwaangelinta cod bixiyayaasha”.

Xasan Guure Jaamac mar uu ka hadlay inay Dawladdu doonayso in dib loo dhigo Doorashada ayaa yidhi “Warqadii ugu dambeeysay ee Madaxweynuhu Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu qoray isla markaana uu saxeexay oo aan halkan ku haya inay labadu is garab socdaan, laakiin aanay isku xidhmin, waxaana muqata inay imika Dawladdu isku xidhayso, taasina waa marmarsiiyo la doonayo in dib loogu dhigo Doorashada Madaxweynaha, waxa aanu bariyahanba maqlaynay in la hadal hayey kororsiimo, ayaan darada ugu weyni waxa weeye in marka cidii xeerka haysay ay Xeerka dumiso, Umaddina waxa ay baabada in marka Xeerkii ay isku ogeyd ka baxdo, waxa inoo balan ahayd Dimuqraadiyad in dadka xilka loo doorto muddo uu fadhiyo, muddadaas dabeedna uu mid kale oo loo doortay uu fadhiisto, laakiin haddii uu yidhaahdo isaga oo xilkiisi ka soo bixi waayey haddana ha la ii kordhiyo waa nasiib daro, waxa aanu leenahay, Madaxweynuhu waa in aanu ka bixin balankii uu qaaday, ee uu Caalamka iyo Umaddaba u qaaday ee ahaa in Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha ay wakhtigaas socoto, oo loo wado hawsheeda”.

Xasan Guure Jaamac isaga ka  hadlaya Madaxweynaha waxa uu yidhi “Madaxweynuhu yuu isku dhiganin in isaga oo xilkiisa  gudun waayey in haddana loo jadiidiyo, Maalinta ay ka dhammaato Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxa aanu nahay laba qof oo siman, imika waxa uu I dheer yahay codkii muddada lahaa, muddadaasi marka ay ka dhammaatana waanu u simanahay Madaxtooyada, Cali Waran-cadde oo markii hore Madasha xodxodanayey, walibana hawl weyn noogu balanqaaday inuu qabto haddii uu Madasha ka wada mid noqono, isagu wuu naga fogaa oo waxa uu lahaa Xabad ayeynu u baahanay ee Hadal uma baahnin, Saaxiib malaa Xabadii halkan ayaad ka ridaysaye, Cali waxa aan ku leeyahay ku eekow tirikoobka dadweynaha inaad qabataan adiga iyo Dawladaha hoose, Cod bixinta shaqo kuma lihid, Cod bixintuna waa Siyaasi, Xisbiyada ayaa leh, adigu Madaxweyne ma tihid, haddii uu Madaxweynuhu ku soo dirayna waa halkeeda.”