“Shirarka Somaliya Inaga Dhexeeya Khalad Weyn Ayey Ina Galiyeen”

0
671

Picture7Hargeysa (Geeska)-Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga , ayaa sheegay in wada hadalada Xukuumaddani la furtay Somaliland ay ku keentay dib u dhac iyo khal-khal, iyo inay Somaliland weydo kalsoonidii Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay in la joojiyo gabi ahaanba wada hadalada Somaliland kula jirto Somaliya.

Maxamed Xaashi Cilmi oo Shalay ka hadlay Shir Jaraa’iid oo Madasha Wada-tashigu ay ku qabteen Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan in Doorashooyinka dalka la qabto, isla markaana Doorashada Madaxtooyada la soo horeeysiyo oo la qabto Sannadka 2015, si looga baxo maamul xumada, waxaanu sidoo kale xusay in Somaliya ay damacsan inay qabato Doorasho macmal ah Sannadka 2016, haddii ay Somaliland qaban weydo Doorashada 2015, inay Doorashadaasi ay sameeyn ku yeelan doonto, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Doorashada Madaxtooyadu 2015 ayey ku eeg tahay, hore waxa inoo soo maray Guurtida oo Sharciyadii ay ku shaqanaysay kaba tagay oo Dhaxal ka dhigay, oo imika Carruur yar yar oo da’dii loogu talagalay aan gaadhsiisnay ayaa ku jira Guurtidii, taladeeduna talo xun ayey ahayd intii ay joogtayba, wax talo oo wanaagsan oo laga dhaxlay ma jirto, waxa kale oo jira intii Golaha Wakiiladuna dhammaaday oo kordhis ayaa la sameeyey, oo Caalamkii inuu inaga soo yar taagan yahay waa wax  muuqda, wixii aynu ku faanaynay oo dhan ayaa meeshii laga saaray, waxa aynu ku faanaynay inay Doorashooyin qabano oo wakhtigeeda ku qabano,si wanaagsan ku qabano oo Dimuqraadiyada iyo waxa ay Gaaladu aynu wadno, oo waxa aynu ku faanaynay ayey khatartii ugu weynayd soo food saartay, 2015 Doorashada Madaxtooyadu inay dhacdo aad ayey muhiim u tahay”.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay dhibatooyinka ay Somaliland ku yeelatay wada hadalada Somaliya ayaa yidhi “Shirarka Somaliya inaga dhexeeya khalad weyn ayey ina galiyeen, khaladkaas weyn ee ay ina geliyeen ayaa ah in la yidhi intiina ayaanu meesha ka caddeeynaynaa,oo Shir Somaliya dib u heshiisiinteeda loo qabanaayo, ayaanu ka qeyb galaynaa oo ujeedadeena ayeynu caddeeynaynaa, taasi waxa ay ina galisay khal-khal, waxa dad badan oo Caalamka ahi ay u qaateen, in aynaan Somaliya ka tagin ee aynu yar cadhaysanahay, oo la ina soo maslixi karo, ayaa loo qaatay, taasina waxa meesha qabta maaha, Dastuur ayeynu leenahay Afti ayeynu u qaadnay, boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%), ayaa u codeeyey Dastuurka, Burco ayeynu ku shirnay, Beelaha oo dhami iskugu yimaadeen, oo lagu heshiiyey inaynu la  soo noqono xoriyadii inaga luntay 1960, waxa lagu heshiiyey in inaga oo aan isku siyaasad ahayn inaynu dhaafno wixii hore, dabadeed aynu Somaliland dib u soo dhisno, haddana Boorama  ayaa lagu shiray,intii ayaa haddana isku timid Cali Khaliifkan iyo inta  meelahan carcaraysaa labada shirba wey ka qeyb galeen, weyna saxeexeen in aynaan isku soo noqon Somaliya, oo goonida isku taagno, kana soo noqono isku darkii. Cadaalada darada aynu sameeynayno ee uu Jaraa’iidkii ku xidhan yahay, ee dadkii lagu xidhay, oo inta xeerkii Saxaafadda laga guuray mid kale lagu xukumaayo, dalkii khal-khal ayey galisay,  waxa ay galisay inay Somalida kale wax badanba aynaan dhaamin, Xuduudkii Jabuuti  ayaa la xidhay,Xuduudkii Itoobiya ayaa la xidhay, kolkaas haddii aynu nidhaahno 2015 Doorashadii qaban mayno waxa ay noqonaysa boqcad kale oo Somaliya ku dhacday, Shirarkan inaynu wadno maaha, maxa yeelay Somaliya weynu ka goosanay, inaynu halkaas ka joogno ayey ahayd”.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi isaga oo ka hadlay Doorasho Somaliya ka dhacaysa Sannadka  2016 ayaa yidhi “2016 Somaliya waxa loo samemeynaya Doorasho macmal ah, haddii aynaan Doorasheena qaban 2015, oo aynaan muujin afti kale oo ah inay Somaliland jirto, jiri doontana, sida Dastuurka ku qor iyo sida go’aamadeena iyo sharciyadeenu ahaayeen dhaawac ayaa  ina gaadhiyo, in la yidhaahdo ha loo wada taliyo tashan maayeen ayaa suurawda, laakiin waxaynu inagu ka warwarsan ahay weynu tashanaynay ee tashan maayaan, dad Doorasho doonaya ma nihin laakiin dalka wanaagiisa ayey lexjeclo naga haysaa, oo wixii loo soo dhintay ee xooluhu u soo burbureen inay baaba’aan talo galkeeda ma nihin,in Doorashada Somalia ee loo qabanayo 2016, inaynu ka horeeyno oo ka horeeyno oo Doorashadeena qabsano 2015, ayaa wanaagsan, si afti kale ay inoogu noqoto iyo inay Somaliland iskeed isku taagtay, Shirarka Somaliyana albaabka ku xidhno”.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa mar uu ka hadlaayey qaabka loo qabanayo Doorashooyinka iyo Doorashada ugu haboon in la soo horeeysiiyo ayaa yidhi “Sida Doorashooyinka loo qabanay, ma Doorashada Madaxtooyada ayaa la qabanaya, ma Doorashada Barlaamanka ayaa  la qabanaya, waxa aan qabaa in Doorashada Madaxtooyadu soo horeeyso, sababta oo ah Maamul xumada taagani inay Sannado badani sii taagnaato dhibaato weyn ayey dalka u keenaysa, haddii la is raaciyana waxba kama qabno, in Madaxtooyada doorashadeedu dhacdaa waa lagama maarmaan, waayo habka lagu jiro Sannado badan jiritaankii Somaliland ayey khatar badan ku tahay, waayo dalka waxa xukumaa waa Madaxweyne, waxa laalushka  bixiya waa Madaxtooyada, xoogagii loogu talagalay dadka in wax loog qabto waxa sakhirayaa  waa  Madaxtooyada, haddii la yidhaahdo ha loo kordhiyo baaba’ii Somaliland ayey horseed u noqonaysaa, Madaxtooyada  ayaa Barlamaanka jiidjiidata, oo kolba dhan u kaxaysa, Sharciyadana kolba in ku tumata”.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay Kharashka Doorashada ayaa yidhi “Lacag badan ayey Dawladdani ku bixisa Oday la leeyahay Madasha u jawaab, kharash badan oo aan loo baahnayn ayey gashaa, Misaaniyadii ahayd 47 ka 152 lagu xisaabtamaya, markaad deeq bixiyayaashu haddii ay bixin waayaan waa inaynu teena ku qabanaa, ku xisaabtama in Doorasho la galo, Doorashadu waa inay wakhtigeedii ku dhacdaa, badbaada Somaliland ayey ku jirtaa, inaynaan Somaliya  kulmin ayey ku jirtaa, Shirirka Somaliya lala galayo waxa lagu saxeexeen inaynu Hawada qeybsano, Dastuurku waxa uu odhanaya Hawada, Badda iyo Dhulkaba cid kale lagalama hadli karo, Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh waxa uu yidhi Badda iyo Hawada, waxa aanu ku wareejinaynaa Qaramada Midoobay, mushkilada ina haystaana waa is dhex fadhiga iyo in kolba la isku keen arko, Qaramada Midoobayna haddii ay Somaliya ku qoran yihiin, ha tagaan, Somaliya jaar  ayeynu nahay, Jabuuti jaar ayeynu nahay Itoobiyana jaar ayeynu nahay inagama xigaan kuwaas.”