“Madaxweynuhu Wuxuu I Magacaabay Labadii Anigoo Hurda, Waxaanu Xilka Iga Qaaday Labadii Anigoo Hurda”

0
542

Picture6Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi Baadhista Somaliland Md. Aadan Axmed Warsame ayaa sheegay in xilka Wasiirnimo ee uu wareejiyey uu watay mucjiso gooniya, isaga oo xusay wakhti isku mid ah la magacaabay, isla markaana xilka laga qaaday, waxaanu sheegay in isaga oo hurda gurigiisa la magacaabay, isla markaana xilka laga qaaday. Wuxuu arrintan kaga hadlay xil wareejin uu shalay sameeyay oo uu xilka ku wareejiyay wasiirka cusub Md. Cali Xaamud Jibriil.

Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi Baadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddani ay tahay Wasaarad muhiim ah, oo ururisa Xeerarka Golaha Baarlamaanka, waxaanu sheegay in Shacabka kala duwan ee reer Somaliland ee ay hawlo ka soo galaan Madaxtooyadu ay u fududeeyso, balse waxa uu tilmaamay inay Xukuumaddu garan weyday hawsha iyo muhiimada Wasaaradda, waxaanu xusay in Xukuumaddu ay tahay gacmo xidhan oo aanay waxba ku tari jirn, waxaanu hadalkan ka sheegay mar uu shalay uu xilka Wasiirnimo ee laga qaaday uu ku wareejinayey Wasiirka cusub ee dhawaan Wasaraddan loo soo magaacabay Cali Xaamud Jibriil waxaanu yidhi “Markii Xilka la ii dhiibayay waxaa la ii sheegay oo la iigu bushaareeyay Labadii anigoo Gurigayga hurda, markii dambe ee la iga qaadayna anigoo Labadii hurda ayaa la ii soo sheegay, markaa Mucjisooyinkaasi ayuu lahaa xilkaygu.hortana Xukuumaddu way garan wayday Wasaaraddan oo dalka Maanta muhiimada gaar ah u leh,waxaa ay uruurisaa dhammaan wixii xeer kasoo baxa Golaha Baarlamaanka Somaliland”.

Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golaasha iyo Cilmi baadhista oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa ay Shacabka reer Somaliland si isku mid ah ugu fudaydisaa danaha kasoo gala Qasriga Madaxtooyada taas oo Shacabka fariimaha soo dhex mariyaan Wasaaradda aan joogo,muhiimada ugu weyn waxa ay ahayd Wasaaradda marka ay doonayso in ay baadhis samayso waxa ku baxaysa lacag xadi badan,markaas Xukuumaddu waxa ay nagu tari jirtay may jirin waanan gacmo xidhnaa waxaanan qaban karayayna may jirin”

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista Cali Xaamud Jibriil oo isna Munaaabdii xil wareejint ka hadlay  ayaa sheegay in uu Wasaaraddan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu u magaacabay, uu wax badan ka qaban doono, halka ay joogtana uu wax ka badali doono, soona gaadhsiin doono halka ay marayaan Wasaaradda kale ee dalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in marka Wasiiraradda xilka laga qaado ay iska hadlaan, isagana markii uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee xilka laga qaaday inuu ka sii mid ahaa Xisbiga Kulmiye, isla markaana uu la shaqaynayey Xukuumadda, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Anigu Maanta (Shalay) waxaan odhan lahaa Wasiiradu marka xilka laga qaado way iska hadlaan,aniga markii xilka la iga qaaday waxaan la shaqaynayay Xukuumadda,waxaanan ka mid ahaa Xisbiga Kulmiye,aniga oo markasta ka sii mid ahaan doona,Wasiiradu waxa ay yihiin kuwii Shacabkooda u adeegi lahaa,lakiin maaha kuwa dantooda ka gaadha,waxaana balan qaadi doonaa inaan dhiig cusub ku shubi doona Wasaaradda isla markaana aan gadhsiin doon meel ka saraysa Wasaaradaha kale.’