Kulamo Taageero Siyaasi Ah Loogu Raadinayo Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Ku Qabsoomay Iyo Culaysyada Ay Xukuumada Ku Keeneen

0
569

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqyo siyaasi ah oo taageero loogu raadinayo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waana tallaabo ka dhalatay khilaafaadkii xisbiga KULMIYE ka dhex taagnaa muddooyinkii u dambeeyay.

Dhaqdhaqaaqyadan oo isugu jira laba weji oo kala ah dhinac beelo ah iyo dhinac siyaasi ah, waxa uu kulankii u horeeyay qabsoomay toddobaadkii hore, waxaanu dhex maray mid ka mid ah beelaha sida weyn u taageera xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay xisbiga Waddani. Dhinacyada uu kulanku dhex maray ayaa si weyn u falanqeeay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanay is tuseen in loo baahanyahay isbedel hoggaamineed oo deg deg ah. Sida uu warku sheegay waxa ay dhinacyadaasi isla qaateen in la raadiyo beelaha kale ee uu xisbiga KULMIYE taageerada ka heli jiray si loo mideeyo cududa shacabka marka la gaadho doorashada soo socota ee madaxtooyada. Kulankaas waxa si weyn uga dhex muuqday siyaasiyiin magac leh oo reer Hargeysa ah.

Kulan labaad oo kulankaas ku xidhiidhsan ayaa isna la sheegay inuu toddobaadkan ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu kulankan labaad u muuqday inuu ka sal-balaadhnaa kulankaas hore. Waxaana la isla qaatay in la dardar geliyo kulamada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Waddani.

Geesta kale, xukuumadda Somaliland ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqyadaas marna weji siyaasi ah leh marna weji beeleed, kuwaas oo sida muuqata lagala wareegayo taageerayaal badan.

Cududa taageero ee xisbiga Waddani ayaa u muuqata inay hoos-hoos isu soo tarayso,lana dareemayo miisaanka taageerayasha, muddooyinkii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaate toddobaadyada soo socda ayaa la arki doonaa midhaha ka soo go’a kulamadaas oo la sheegayo in laga soo saari doono war-murtiyeed.