“Waad Arkayseen In Xuduudihii La Soo Xidhay, Waxaa Inagu Soo Oodmay Dalkii”

0
521

Picture5Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa dhaliil u soo jeediyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu sheegay inay ku fahilantay isla markaana ay masuul ka tahay Xoolaha dalka laga dhoofiyo ee kolba la soo celiyo, isaga oo sheegay inay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa ay suurtagal ka dhigtay inay dhoofinta Xoolaha dib loo furo.

Musharax Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale cadaalad daro ku tilmaamay sida loo bixiyey Qandaraaska Shirkada Diiwangelinta Madaniga ah isaga oo sheegay in si sharciga ka baxsan loo  bixiyey oo Madaxtooyadu ku lug leedahay, waxaanu carabka ku dhuftay inay arintaas baadhitaan ku sameeyeen, oo ay ogadeen in Madaxtooyadu cid gaar ah siiyey, oo aan loo si sharciya loo bixin.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa mar uu Shalay Xafiiiskiisa Shir jaraa’iid ku qabtay ayaa sheegay in Siyaasadii Arrimaha dibada ee Somaliland jahaweerar ku yimid, oo Wadamadii jaarka la lahaa Somaliland ay Xuduudihii  xidheen, halka Wadamada Beesha Caalamkuna ka shakiyeen.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyey, waxaanu sheegay in wada hadaladiisi ay Somaliland dhaawac soo gaadhsiyeen, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddi si mar walba tidhaahdo guulo ayaanu ka soo gaadhay wada hadalaldaas isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay, ayaa ku baaqay in la joojiyo wada hadaladaas ay Somaliland kula jirto Somaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay   "Waxaad Ogtihiin in Xoolaheenii uu dadku ku noolaa la soo celiyey,Xoolahaana waxaa inoo furay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ee Xisbigii UDUB aadbay uga shaqaysay Xukuumaddana waxaad arkaysaa in dhawr jeer la soo celceliyey Xoolihii Ilaa Afartan kun oo Neef ayaa la soo celiyey Xoolihii oo ah dadkeenu waxa ay ku nool yihiin waxa ay quutaan,waana lafdhabarteenii dhaqaalaheena,Wasaaradda Xanaanada Xooluhuna waa ay ku fashilantay in ay wax ka qabato arrimaha noocaas ah"

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa mar uu ka hadlaayey sida loo bixiyey Qandaraaska Tartanka Diiwaangelinta ayaa yidhi "Waxa weeyaan arrinkii Diiwaangalinta Madaniga ah ee maalintii dhawayd la yidhi waxaa la siiyey Shirkad lagu magacaabo Sahal runtii markii aanu arrinkii aanu baadhnay 35-shirkadood ayaa soo codsaday Shan baa isku soo hadhay Shantii waxaa la waydiiyey in qolo waliba ay keento wax yaalihii looga baahnaa shuruudihii lagu xidhay iyada oo arintaasi loo balan san yahay  oo shirkadii aan la kala saarin ayuunbaa Shirkad gaara markiiba la iska siiyey iyada oo ay halkaas marayso oo ay Shirkadihii kalena ay diyaar garoobeen kharash badanina uu ka baxay.

 Jamaal Cali Xuseen ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxaa noo muuqata in shirkadaasi ay tahay mid ka socota Madaxtooyada oo lug ku leh dano, oo dadka Madaxtooyada ka soo jeeda ay qaarkood ay yihiin,waxaa kale oo noo muuqata in aan loo marin qaabkii loo bixin jiray qandaraasyada ee u qornaa ee gaarka ahaa oo ay Wasiiro ay dhex fadhiyeen, waxaa kale oo noo muuqata in la doonayo in Diiwaangalintaa Madaniga ahi  loo isticmaalo intii Diiwaan galintii Codbixiyeyaasha oo dhawaan bilaabmi doonta loo isticmaalo hadaanu Xisbigayaga aanu nahay arrintaas mana ogalin,waxaanan aanu u aragnaa arrin aan cadayn  oo uu musuqmaasuq badani uu ku jiro sifaha loo bixiyey oo aan sifo sharciya aan ahayn,sifo lagu bixiyey in ah nin jeclaysiya oo ay shirkadaasina ay tahay shirkad aan hore u shaqayn wax hore oo ay soo qabatayna aan la garanayn,Waxaa kale oo khatarteeda leh oo dadka isku keeni karta isku dhac in haddii ay dawladdu ay ku fikirayso in shirkadaasi waxii ay diiwaan galiso loo isticmaalo Diiwaanglinta Codbixiyeyaasha,taasi mid aanu ogalaanayno oo aanu aqbalayno maaha Codbixiyeyaashuna Diiwaangalintan waa ay ka madaxbanaan yihiin"

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu yidhi "Waad arkayseen in Xuduudaheenii la soo xidhay iyo Siyaasadeenii arrimaha dibada oo Jahawareersan,waxaa inagu soo oodmay dalkii waxaad arkaysa in al xidhay xuduudkii Jabuuti Kii Itoobiya Wadamadii waawaynaa uu shaki ku yimi Dawladdeenuna ay Wali ka hadlayso Wadahadalii Somaliya ee wixii ay la soo saxeexdeen ee ay Turkiga shan goor u tageen ay waxba ka shaqayn waayeen oo ay hadana ay Wali Umadda ay daba wadaan,waxaa ugu danbaysay tii ay yidhaahdeen Hawada ayaanu guul ka soo gaadhnay hawadeeniina waa taa imika dusheena laynugu dul iibsadayba oo ay Somaliya la wareegtay hada waa Hawadii ay shanta Wasiir inta ay Turkiga ay tageen deedna inta ay dadka so horfadhiisteen yidhi guul baanu ka soo gaadhnay.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Wadahadaladii ayaa sheegay in wax ka soo kordhay aanu jirin Wada hadala Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliya wax alaale iyo wax ay inagu soo kordhiyeen ma jiraan qadiyadii Somaliland-na waa ay dhaawaceen dawladana waxaad moodaa in ay si indha la'aan ah in ay ku socoto meesha ay ku socotana garan mayno,Waxaanu anagu aanu taas ku raasanahay baaqii ay soo jeediyeen Xisbiga Waddani ee ahaa in wada hadladaasi in gabi ahaaba la joojiyo dalkuna uu isagu yimaado Dajinta Siyaasad cusub oo arrimaha dibada ah.”