“Madaxweynuhu Waa Hoggaamiye Wanaagsan Oo Umada Xoolaheeda U ilaaliyay”

0
625

maaliyHargeysa(Geeska)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo oo ka qayb-galey munaasibad akhris wadareed oo xarunta Maxamed Mooge kusoo bandhigeysay Akhris Wadareed oo lagu soo bandhigaayey buug laga qorey Aabihii 2aad ee waxbarashada Somaliland Alleh ha unaxariistee Yuusuf XaaJI Aadan  ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo garab taagan tahey dhallinyaradda.

Md. Samaale, wuxuu yidhi “Waad aragtaan sida wanaagsan ee xukumadeenu u garab taagantahey u lana shaqeynayso dhallinyaradd Somaliland.” Wasiirka mar uu kahadalaayey masuuliyiinta mucaaradka oo madaxweynaha eeddo u jeediyay wuxuu yidhi  “Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaaya mid Aan la garaneyn waxaa uu yahey iyo wax uu dalkan u qabto ,madaxweynuhu u jawaabi maayo dadka caadaystey iney cay iyo qabyaalad ummadani ku jahawareeriyaan lakiinse waxaanu kaga jawaabeynaa ficil iyo waxqabad muuqda.”

Mar uu kahadlaayey wasiir samaale isbadelka miisaaniyada xukuumadan iyo tii hore waxaa uu yidhi”Miisaaniyada qaranka waxaanu ka soo qaadnay 47Milyan Waxaananu Gaadhsiinay 200Milyan.".

Wasiir Samaale mar uu ka hadalaayay hogaaminta madaxweyne siilaanyow axaa uu sheegay in madaxweynuhu yahey hogaamiye wanaagsan oo taariikhdu xusi doonto. “Madaxweynuhu waa hoggaamiye wanaagsan oo umadda xoolaheedii u ilaaliyay.” Ayuu yidhi.

Wuxuu ugu dambayn asxaabta mucaaradka u soo jeediyay inay la yimaadaan barnaamijiyo siyaasadeed oo horumar leh.