Maamulka Nuradin Oo Takhamo Dahab Ah Guddoonsiiyey Hablihii Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Dalka

0
870

tacliinHargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan ayaa abaalmarino Afar Takham oo dahab ah ,oo ay soo diyaariyeen Ardayda dhigata Iskuulka hablaha u gaarka ah ee Noradin guddoonsiisay Afar hablood oo ka mid ahaa ardaydii dhigan jirtay Iskuulkaas oo Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare ee Dalka Kaalmaha hore ka galay sanadkan.

Munaasibad balaadhan oo lagu maamuusayey ardaydan oo ka dhacday shalay subax Xarunta Iskuulka hablaha u gaarka ah ee Noradin,ayaa  waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo: Samsam Cabdi Aadan,Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo:Shukri Xariir Ismaaciil,Maamulaha Iskuulada Noradin  Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed ,Ardayda Abaal marinta la guddoonsiinayey,Macalimiin,Waalidiin iyo Arday aad u tira badan. Md:Mahad Ibraahim Maxamed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada munaasibada,waxaana uu sheegay in ay u sameeyeen hablihii kaalmaha hore ka galay Tobankii hablood ee Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sanadkan dalka ugu sareeyey oo ka tirsanaa ardayda dhigata Iskuulka u gaarka ah hablaha ee Noradin,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay hablaha dhigta isla Iskuulkaasi ay ku maamuseen in ay gacantooda ugu soo iibiyaan Afar Dakham oo dahab ah Afartii hablood ee ka tirsanaa isla Iskuulkaasi ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanadii shahaadiga ahaa ee dalka oo ahayd sanadkii ugu horeeyey ee Iskuulkaasi ka soo qayb galo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Iskuulada dalka. "Munaasibada maanta waxaa aynu u fadhinaa Hablihii ugu sareeyey Imtixaanaadka Qaranka,ee ka socday Iskuulka Noradiin gaar ahaan Iskuulka Hablaha oo ahayd sanadkii Koowaad ee Iskuulka gaarka ah ee Hablaha ee dugsiga sare uu Imtixaanka ka qayb galo,qaybtii ugu waynaydna ay Tobankii hablood ee wadanka ugu sareeyey ka heleen Afar Hablood,ayey ka heleen Tobanka Hablood ee Wadanka oo dhan ugu sareeyey Afarta Hablood waxaa Kaalinta ugu horeysa gashay Samiira Maxamed Ismaaciil Muxumed,waxaa ku xigtay Nafiisa Cabdi Xamiid Cali ,waxaa kaalinta saddexaad gashay Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil,Inanta Afaraad waa Warda Cabdilaahi Cali Muuse.Dhamaantoodba Alleh ha barakeeyo,cilmigana ha u siyaadiyo,Aakhiradooda iyo Aduunyadoodana Alleh ha u hagaajiyo.waxaa laga yaaba in aad tidhaahdaan Jaa'isada Dahabka ah,ee waliba inan walba Takhab dahab ah weeyaane,waa takhamkii la odhan jiray gabadh ayaa lagu maheriyey,maanta Hablahan ha moodin in aan anagu ka Iskuul ahaan,Lacagta bixinay Takhamada dahabka ah,Laakiin se Ardaydan Idin Horfadhiga ayaa bixiyey Lacagta lagu soo iibiyey,iyaga ayaa ku maamuusay hablaha walaalahood ah ee guulaystay,waxaana halkaas aad ka arkaysaan isu hanaynta,isjeclaanta ka dhaxaysa hablahaas dhigta Iskuulka gaarka ah ee dugsiga Sare ee Hablaha"Ayuu yidhi Mahad Ibraahim Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo:Shukri Xariir Ismaaciil oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay qiimaha ay hablaha dugsiga sare ee Noradin ay u leeyihiin dalka,waxaana  kale oo ay xustay in hablahaas gaarka wax u baranayaa ay wax badan ku soo kordhin doonaan guud ahaan umada reer Somaliland,iyada oo sida oo kalena ay aad ugu mahad celisay Maamulka Noradin oo ay sheegtay in uu hablaha waxbadan oo qiime leh u soo kordhiyey.

"Waxaa aynu Illaahay ugu mahad naqaynaa guusha balaadhan ee aynu gaadhnay haddii ay noqoto dhinaca Waxbarashada,iyo dhinaca arrimaha bulshada labadaba,waxaan isagu darayaa labadaas hadal oo aan isagu xambaarinayaa waxaa ay tahay intan oo gabdhood,oo ah hablihii reer Somaliland ah oo hortayda fadhiya,ayaa waxaa aan aad iyo aad u rajaynayaa in ay qiime balaadhan oo wax tar leh ay ku soo kordhin doonaan bulshada reer Somaliland,haday noqoto dhinaca waxbarashada,dhinaca Caafimaadka,iyo dhinaca dhaqaalaha intaba,waayo gabdhahani waa mustaqbalkii bari ee dalka,waa hooyadii bari ee dalka,waxaana aynu maah maah ku maqalnaa gabadh wax baratay waa qaran wax bartay ama waa bulsho wax baratay,waxaan rajaynayaa gabdhahani in ay qoysaskooda,iyo guryahooda haddii Illaahay yidhaahdo iyo Ubadkooda in ay noqon doonaan qaar wax tara oo mustaqbal leh,oo wadanka wax ku soo kordhiya.Haddanu nahay Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqada waxaanu leenahay Iskuulada noocan oo kale ahi waa kuwo macno aad iyo aad u wayn ku soo kordhiyey kor u qaadida tayada waxbarashada ee Somaliland.markaa dugsiga Noradiin iyo Mahad oo hogaamiye ka ah dugsigaba waan ugu mahad celinaynaa hadduu Inoo sameeyey fursad qaaliya oo ah gabdhahu in ay Fursad u helaan ay gaar wax ugu bartaan,oo ay ku tartamaan,oo ay fursad u heleen in ay gabdhahu ay noqdaan kuna guulaystaan kaalmaha hore ee Waxbarashada dugsiyada Shahaadiga ah"Ayey tidhi Marwo Shurku Xariir Ismaaciil. Gabagabadii waxaa munaasibadaasi soo afmeeray Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan,waxaana ay ugu horeyn hambalyo balaadhan ay u dirtay guud ahaanba arday hablaha ah ee wax kadhigta Iskuulka gaarka ah ee Habalaha Noradin,iyada oo tilmaantay in ay meel walba oo ay tagaan ay si aad ugu faanaan waxbarashada noocan oo kale ah ee dalka ka jirta,waxaana ay sida oo kale si xoog ah ay ugu hambalyeysay hablaha halkaasi lagu maamuusay dahabka oo ay tilmaantay in ay in aad ugu faraxsan tahay maamuusida ay ardaydoodii u sameeyeen,waxaana ay ugu danbayntii carabka ku dhufatay in ay aad ugu mahad celinayso Maamulka Noradin ee suurta galiyey in hablihu ay helaan fursad ay gaar wax ugu bartaan.

"Ardayda waxaan leeyahay Hambalyo,Iskuulkaa wanaagsan ee Sharafta leh,ee ay dhigtaan hablahaa Xijaaban ee quraanka iyo diintaba yaqaana oo sida oo kalena tacliintiina ku wanaagsan,waa waxyaabaha aan ku faano ee aanu cid walba aan u sheegno,waxaan idin leeyahay hambalyo,maantana aad iyo aad ayaan idiin ku sii hambalyeynayaa in aad garateen,in aad dahab u iibisaan hablihii Iskuulka guusha u soo hooyey,waana mid ay Iskuulada kalena idin kaga dayan doonaan,waxaan leeyahay hambalyo Noradiin iyo Kooxdiisaba,iyagana hambalyo ayaan leeyahay Iskuulkaa khayrka qaba ee quruxdaa leh ee wanaaga leh,ee aradaydaasi ku jirto oo ahna waxyaabaha ay Somaliland ay dheertahay dunida inteeda kale,markaa hambalyo hambalyo"Ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan   Ugu danbayntiin waxaa halkaasi ay Wasiir Samsam Cabdi Aadan ay Abaalmarinahii Dahabka ahaa ee ay soo diyaariyeen Ardayda Iskuulka Noradin ee dhigata qaybta hablahu ay gudoonsiisay Afartii halbood ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee dalka oo ka mid ahaa ardaydii wax ka baranjirtay Iskuulka hablaha u gaar ka ah ee Noradin.