0
831

 

Sanaag(Geeska)- Gudidii u kala dabqaadaysay jabhada Caare iyo xukuumada ayaa lagu soo waramayaa inay haatan isla gaadheen in ciidanka jabhadu ay ka soo baxaan buurta Tabco, una soo wareegaan kaamka buurta Daallo oo qaybta ugu danbaysa ee wada hadaladu ay ka qabsoomayaan.

Waxa sidan ku waramay tilifishanka Bulsho waxaana wararku ay intaas ku darayaan in maalmaha fooda inagu soo haya ciidanka jabhada Caare ay gudida dhexdhexaadinta ah ay ku soo wareejin doonana hubkooda isla markaasna la qaramayn doono.

Ciidamada iyo hubkooda ayaa lagu soo waramayaa inay gaadheen kaamka buurta Daallo si ugu danbaynta halkaas loogu dhameeyo waxii ka hadhsan wareejinta hubkaas iyo ciidamadaas Caare uu hogaaminaayay. Badhasaabka gobalka Sanaag iyo gudidii dhexdhexaadinta ayaana haatan ku jira talaabooyinkan la qaadayo.

Col. Caare ayaa sida uu heshiisku dhigayo waxa uu u bixi doonaa dalka dibadiisa, markaas oo uu soo dalban doono cafis madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here