Saaxil: Laba Ka Ka Mid Ah Shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Ee Magaalada Berbera Oo La Dhawacay

0
551

Berbera (Geeska) – Laba ka mid ah Hawl-wadeennada Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Berbera ayaa ku dhaawacmay Rasaas la sheegay inay rideen Ciidammada Laanta Socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha ee Magaalada Berbera.

Ciidammada ayaa Rasaasta riday, ka dib markii labada Xubnood ee ka socday Wakaaladda biyuhu isku dayeen inay Xarunta Ciidanka Laanta Socdaalku ku leeyihiin Magaalada Berbera ka jaraan biyaha, taasina waxay keentay in dhaawac soo gaadho Labada Qof oo ka mid ahaa Farsamo-yaqaannada Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Berbera.

Dad Goob-joogeyaal ah oo la hadlay Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Geeska Afrika uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in marka hore ay Xarunta Ciidanka tageen 7 Xubnood oo ka mid ah Hawl-wadeennada Wakaaladda Biyaha Berbera, ka dibna ay isku dhaceen Ciidammada “Waxa amar la nagu siiyey inaanu biyaha ka soo jarno Xarunta Ciidammada laanta socdaalka, Annago 7 Shaqaale ah ayaanu tagnay xarunta Ciidanka, markii mid ka mid ah isku dayey inuu miishaarto ku jaro (Qasabadda) ayaa Taliyihii iyo Ciidankii oo dhani nagu soo xoomeen, dabadeedna Gacan ka hadal baa halkaa ka dhacay, waanu iskaga nimid..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markii Saddexaad ayaa la nagu yidhi Gudaha ha ugu tagina ee Biyaha dibedda ka soo jara, annaga oo aan weli biyihii jarin ayuu Ciidanku noo yimid, dabadeedna halkaa Gacan ka hadal baa ka dhacay, laakiin mar dambe ayuu Nin Xabad nagu furay gebigayagiiba, dhammaantood mari ayuu is lahaa, laakiin Ilaahay baa ka bedbaadiyey..”

Mid ka mid ah Labada Nin ee Rasaastaasi ku dhaawacmay ayaa sheegay “

laahay baa Mahad leh, Faraha ayay igaga dhacday, mid xubin bay goysay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Nin kale ee ay isku shaqada ahaayeena ay qarqarka dambe kaga dhacday Rasaastii isaga faraha kaga dhacday.