Madaxweynuhu Dib Ha Ugu Noqdo Gacan Yarayaashiisa, Geeska Afrika Staff Writer

4
213

Maalmahan u dambeeyay waxa Somaliland ka taagnaa jahawareer dhinaca siyaasadda ah oo ka dhashay shirka Taleex ee lagu yagleelay maamul goboleedka loo bixiyay Khaatumo, kaas oo ay sheegeen inuu yahay maamul ka madaxbanaan qaranimada Somaliland.

Furitaankii shirkaas waxa ay bulshada Somaliland ka bixisay dareen qaylo dhaan ah oo lagu saadaalinayay inay natiijadiisu noqon doonto mid aanay Somaliland mahadin, laakiin xukuumadda Somaliland waxay u muuqatay mid iska dhego tiraysay oo marka laga reebo hadal aan qaadin wax ficil ah ilaa markii u dambaysay ay ku baraarugtay iyadoo lagaga dhawaaqay maamul goboleed liddi ku ah qaranimada Somaliland.

Khudbadii uu Madaxweynuhu u jeediyay labada gole Baarlamaan ayaa iyadana ay dad badani naqdiyeen qaabkii ay u qornayd iyo weliba maadaama oo ay ahayd khudbad qaran oo uu distoorku waajibayay sababta keentay in lagu soo hadal qaado shakhsiyaad amaba hay’ado warbaahineed oo wadani ahi. Waxase iyana ka sii darnayd amarkii albaabada loogu xidhay Telefishanka HCTV oo iyana qaranka ku keentay sumcad xumo maxali iyo caalami ah maadaama oo ay Somaliland qaadatay jidka Dimuqraadiyadda. Waxase waxaaba ka sii darnaa markii xabsiga loo taxaabay 22 weriye oo sameeyay dibad bax salmi ah oo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin xadhiga Telefishankaas. Xadhiga weriyayaashaas iyo weliba jidkii loo maray ayaa ahaa mid xukuumada Somaliland ka dhigay tii u horaysay ee xabsiyada dhigtay tiro intaas leeg oo saxafiyiin ah. Hawlgalkii ay fuliyeen ciidamada qaranka Somaliland ee ay ku beegsadeen magaalada Buhodle oo ahayd talaabo in badan la sugayay ayaa waxaaba hadheeyay xadhigii saxafiyiinta.

Waxa iyaguna jira shakhsiyaad aan ka mid ahayn xukuumadda ama hay’adaha maamul ee dawladda oo faraha kula jira maamulka dalka iyo weliba qaar ka mid ah qandaraasyada qaranka oo la siinayo shakhsiyaad si gaar ah loogu naas-nuujinayo, kuwaas oo aan loo gelin wax tartan ah amaba aan loo soo bandhigin bulshada.

Isbarbar yaac ka muuqda golaha xukuumadda oo qaar ka mid ah aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn ayaa iyaduna ka mid ah arrimaha bulshada sida dayaxa ugu muuqda, waxaana jira wasiiro badan oo ay waajib tahay inay wada shaqeeyaan balse aanay qaarkood salaanta iyo iska qaadin iyo kuwo kale oo ku tagri fala awoodii loogu dhiibay inay umadda ugu shaqeeyaan.

Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxa iyadana ka muuqata dhaliil tiro badan. Tusaale ahaan masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda ayaa waxa ay dhawaan safar ku tageen dalka Masar. Safarkaas oo aan soo kordhin wax midho ah ayaa waxa ay dad badani ku tilmaameen mid lagu deg degay marka loo eego siyaasadda qasan ee dalka Masar iyo weliba marxaladda ay Somaliland ku jirto, maadaama oo ay Masar ka mid tahay dalalka ku caan baxay cadaawadda Somaliland. Dad badan oo siyaasadda rog roga ayaa aaminsan in xidhiidh aan macno badan ku fadhiyin oo ay Somaliland Masar la yeelataa sabab u noqon karo inuu qarankan curdinka ahi waayo saaxiibo kale amaba uu dhex galo badweyn diblomaasiyadeed oo aanu ka dabaalan Karin.

Waxa iyaguna jira arrimo kale oo ay dad badani aaminsanyihiin inay masuul ka yihiin qaar ka mid ah ragga uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay inay ka caawiyaan hawlaha qaranka kuwaas oo u muuqda inaanay lahayn awoodii iyo khibradii ay hawlaha qaranka ku maamuli lahaayeen.  Khaladaad maamul amaba siyaasadeed oo dhacaa wuxuu isugu biyo shubanayaa oo dhaliisheeda yeelanaya Madaxweyne Siilaanyo oo ay isaga umaddu u dooratay hoggaaminta qaranka. Waxaanay arrimahani ku keeni karaan mucaaradad siyaasadeed oo gudaha kaga bilaabanta  iyadoo uu dalku ku jiro xaalado siyaasadeed oo halis gelin kara amniga guud ee qaranka.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo marka la eego sida ay arrimuhu u socdaan waxa ay dad badani qabaan inuu dib ugu noqdo gacan yarayaashiisa qaarkood kuwaas oo haddii aanu wax ka qaban sabab u noqon kara inay u soo jiidaan dhaliilo iyo dagaalo siyaasadeed oo ay cadaatay inaanu xamilkeeda lahayn. Haddii kale waxa la arkee dareenka mucaaradeed oo si xawli ah u kori kara, kuwaas oo xagal daacin kara maamulkiisa iyo hoggaamintiisa siyaasadeed. waase haddii aan wax laga qaban dhaliilo badan oo hadda muuqda.

Comments are closed.