Dhallinyarada Qaban-qaabinaysa Shirka Dhallinyarada Somaliland Oo Cadaadlay Lagu Soo Dhaweeyay

0
443

Picture4

Hargeysa(Geeska):-Dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa ee muddooyinkii danbe waday qaban qaabada shirweynaha dhalinyarada Somaliland ee lagu qabanaayo magaalada Cadaadley ayaa socdaal ay ku tageen dagmada Cadaadley si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Socdaalkan oo ay dhalinyaradu shalay ku tageen cadaadlay ayaa ay u jeedadiisu ay ahayd sidii loo sii dardar galin lahaa hawlaha qaban qaabada shiweynaha dhalinyarada Somaliland ,waxaana ka qayb qaatay soo dhawaynta Madax-dhaqameed,Dhalinyaro,Haween iyo dadweyne kale oo aad u tira badan oo si balaadhan ugu soo dhaweeyey dagmadaasi.

Guddoomiyaha gudida qaban qaabada shiweynaha dhalinyarada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ka dib soo dhaweyntii dadweynaha reer cadaadlay kula hadlaayey meel fagaare ah ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedada ay u qaban qaabinayaan shirweynaha dhalinyarada Somaliland,waxaana uu sheegay in shirka ay wadaan qaban qaabadiisu aanu ahayn mid Xukuumad iyo cid gaar ah wax lagu yeelayo balse ay u jeedadiisu ay tahaybaa uu yidhi sidii dhalinyarada Somaliland ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

"Shirkani waa shir aanu kaga dhawaaqnay dagmada cadaadlay oo ah dhamaanba dhalinyarada Somaliland shirkaas oo ah shir aanu kaga hadli doono ama ama aanu kaga tashan doono aayaha dhalinyarada Somaliland,markii aan aragnay in aan dhalinyarada Somaliland ayna wax badan kala socon dalkii,ayaanu si aanu dhalinyarada isagu xidhno,markaa shirkani maaha shir siyaasadeed,shir qabiilna maaha,maaha shir cid gaara lagu duraayo ama lagu dhibaayo,waxa weeye shir aanu doonayno in ay dhalinyarada Somaliland ay kaga tashadaan Aayahooda oo ay isku xidhmaan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Nuur Cigaal

Md:Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray“Cid naga danbaysa iyo cid na soo riixaysa midna ma jirto,dawladna wax ku yeeli mayno shakhsi gaarana wax ugu dhimi mayno.anagaana shirkan wadna,waxanaa uu ka dhacayaa haddii Illaahay uu yidhaahdo dagmada Cadaadlay,waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanaha in aan maanta taaganahay goobtii uu ka dhici lahaa shirkaasi,shirkaas dhici taankiisana cidna kala tashan mayno cidna wax ka waydiin mayno,shirkaas anaga ayaa wadna maalinta loogu tala galayna waa uu dhacayaa dibna uga dhici maayo,maalina hore uga soo mari maayo". Dhanka kale Oday Cabdi Caydiid oo ka mid ah oday dhaqameedka dagmada Cadaadlay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in ka deegaan ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan shirka ay wadaan dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin in shirkaas lagu qabto dagmada cadaadlay.

"Anagu haddaanu nahay odayaasha iyo dhaqanka dagmada Cadaadlay gacmo furan iyo waji furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa dhalinyarada wada shirkaas,oo ka dhacaaya dagmada cadaadlay,goobtaa aan taaganahay maanta ayaa uu ka dhacayaa haddii Illaahay ka dhigo "Ayuu yidhi Oday Cabdi Caydiid

Ugu danbayntiina Marwo Baxsan Ismaaciil oo ka mid ah Haweenka sida aadka ah uga qayb qaatay soo dhaweynta dhalinyarada ayaa sheegtay in dhalinyarada ku raacsan yihiin shirka ay wadaan,waxaana ay carabka ku dhufatay in ay ku wareejinayaan 60-neef oo adhi ah iyo sida oo kale 10-geela oo ay ugu talo galeen in ay dhalinyaradu qabtaan shirka.

 "Anaguna waanu ku raacsanahay haddaanu nahay haweenka dagmada cadaadlay gacmo furana waanu ku soo dhawaynaynaa,waxa weeyey xoolihiina waanu ku wareejinay adhiga aanu ku wareejinayna waa Lixdan Neef iyo Toban Geel ah,sidaas ayaanu ku raacsanahay"Ayey tidhi Baxsan Ismaaciil.