Madaxweynihii Masar Ee La Afgembiyay Oo Shalay Maxkamadda La Horkeenay

0
681

mursiMadaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar Maxamad Mursi ayaa maxkamad la soo taagay, isagoo loo haysta inuu xabsi ka baxsaday xilligii uu socday kacdoonkii xukunka looga qaaday Xusni Mubarak.

Waxaa dacwadda lala soo taagay 130 ruux oo kale oo loo haysto inay iyagana xabsiga jabsadeen.

Dacwadan ayaa ka mid ah afar dacwadood oo kala duwan oo loo haysto madaxwaynihii hore Maxamad Muris

Mursi ayaa ka mid ahaa dadkii xabsigaas ku jiray xilliga ay maxaabiista soo baxsanayeen, iyadoo uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubarak.

Wakaalada wararka ee Masar ayaa sheegtay in Mursi diyaarad helikobtar ah ay ka soo qaadday xabsiga weyn ee Burj al-Carab oo ku yaalla magaalada Al-Iskandariyah.

Dhagaysiga dacwadda ayaa ka dhacaysa Akademiyadda Boliiska oo shalay amaankeeda aad loo adkeeyay

Dacwadaha kale ee  loo haysto  Mursi iyo 130 nin oo kale, waxa ka mid ah; ka baxsashadii uu ka baxsaday xabsi ku yaalla Masar sannadkii 2011, inuu ka danbeeyay rabshado ka dhan ah dad dibadbax dhigayay sannadkii 2012 iyo inuu aflagaadeeyay garsoorka Masar.

Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Masar si xor ah loo soo doortay ayaa waxaa xukunka ka tuuray militariga Masar bishii July ee sannadkii hore.

Saraakiisha Masar ayaa sheegay in salaasadii shalay, niman hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo booliska ka tirsan oo lagu magacaabo General Maxamed El-Said, oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Rabshado ayaa weli ka soconaaya dalka Masar, waxaana maalmihi u dambeeyay ku dhintay inka badan 100-qof. Dadweynaha ayaa kasoo horjeestay go’aan dhowaan ku dhawaaqeen Dowladda Milateriga si kumeelgaadh ah u dhiseen oo ah in doorashooyin madaxtinimo ay dhacaan bisha April ee sanadkaan.