Magacyada Golaha Wasiirada Ee Puntland Oo Shalay Lagu Dhawaaqay

0
845

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay maamul gobaleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa si rasmi ah u shaaciyay golahiisa wasiirada oo ka kooban 46, isugu jira 18 wasiir,19 wasiir ku xigeen iyo 9 wasiiru dawle.

Cabdiwali Cali Gaas oo dhawaan sheegay in haweenka uu xukuumadiisa xilal fiican uu uga dhiibi doono, waxa ka dhex muuqda xukuumadiisan lagu dhawaaqay hal wasiir iyo laba wasiir ku xigeen oo haween ah, isla markaasna aan loo dhiibin xilil muhiim ah.

Magacyada Wasiirada waxaa saxaafadda u akhriyey Agaasimaha Guud ee madaxtooyada waxa kale oo ka dhex muuqda madaxweynihii kooxda khaatumo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo loo magacaabay wasiirka dawladaha hoose iyo arrimaha gudaha.

Golaha Wasiirada

Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo arimaha diinta,Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose,Xasan Cismaan Maxamuud (Alloore) Wasiirka Wasaaradda  Amniga,Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda,Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda  Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda,Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga ah,Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda  Xanaanada xoolaha,Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka,Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada,Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka,Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska,Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo khayraadka badda,Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta,Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha,Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada.

Wasiiro Ku Xigeenad

Maxamed Faarax Aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta,Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose,Cabdicasiis Maxamed Aadan Wasiir ku xigeenka Amniga,Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir ku xigeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka,Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga ah,Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha,Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada,Aamina Maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka,Nuur Axmed Yuusuf Wasiir ku xigeen Warfaafinta,Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud,Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir ku xigeenka Duulistan & Garoomada,Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka,Maxamuud Maxamed Cali Wasiir ku xigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda,Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo gaadiidka badda,Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada,Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska,Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta,Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo wershadaha

Wasiiru Dowlayaasha

Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha,Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha kaluumeysiga & khayraadka badda Cali Yuusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose,Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xidhiidhka gobolada,Dr.Maxamed Cabbaas Cumar Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xidhiidhka caalamiga ah,Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada,Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka,Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga,Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga.