Madaxweynihii La Doortay Maxaa Helay? Geeska Staff Writer

5
712

siilaanyo22Hargeysa(Geeska)-Maaha markii u horaysay ee wax hadal ah laga waayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, iyadoo uu dalku ku jiro qalalaase iyo go’aamo cariksi ah oo u dhexeeya xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxa dalka ka aloosan muran siyaasadeed oo ka dhashay natiijadii ay guddiga diiwaangelintu ku kala reebtay ururada siyaasadda oo ay ururo badani qaadaceen inay aqbalaan. Waxa kale oo dalka ka taagan shirar doceedyo kala duwan oo siyaasadeed, waxa kale oo isa soo taraya naqdiga loo hayo siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay. Dhamaan qodobadani waa kuwo qaranka Somaliland u taabanaya hanaan caalami ah iyo mid maxali ah. Hase yeeshe marka ay amuurahan oo dhami dhacayaan wax hadal ah lagama hayo Madaxweynihii ay umaddu dooratay oo ay sababtiisa u dhacayaan duufaanadani. Tusaale ahaan haddii laga cowdo iyo haddii kaleba guddiga diiwaangelintaa isagaa umadda u magacaabay, isagaa ururadii siyaasadda furay, isagaa Madaxweynuhu codsaday in laga horqaado dabarkii ay umaddu ku seetaysay cid kasta oo isku dayda inay bidhaansato siyaasadda Somaliweyn. Maxaa markaas Madaxweynihii helay ee uu umaddiisa ula hadli la’ayahay.?

Dhawr goor ayay siyaasiyiin aan xataa xukuumadiisa mucaarad ku ahayni ugu baaqeen inuu arrimaha ku xaliyo wada hadal iyo is qacin halkii cudud ciidan la iskaga muquunin lahaa. Laakiin dheq jala looma siin. Waxaanad moodaa in

Sidaas daraadeed, waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu la yimaado dardarta laga rabo hoggaamiye ay umadiisu u dooratay qaran ay dagaalo iyo ololeyaal kala duwani ku socdaan, waxaana looga fadhiyaa inuu wax kasta ka horumariyo wada hadal iyo isfaham in lagu xaliyo si aanay xaaladu u noqon mid sii cakiranta. Haddiise taas laga waayo waxa hubanti noqon doonta inuu tafaraaruq iman doono, Alle inaguma keenee

Comments are closed.