Dood Adag Oo Dhex martay xukuumadda iyo salaadiinta

0
606

salaadiint2Hargeysa(Geeska)-Dood adag ayaa shalay dhex martay 84 ka mid ah salaadiinta dalka iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Kulan shalay salaadiinta iyo xukuumadda dhex maray, ayaa waxa ay xukuumadu kaga codsatay inay mawqif ka istaagaan cid kasta oo ka tirsan madaxdhaqameedka dalka oo ka qayb gasha dawladda cusub ee loo soo dhisayo bisha August dalka Somaliya, kaas oo noqon doona in xukuumadda lagu taageero inay talaabo cad ka qaado dadkaas. Inkastoo aan intii doodu socotay saxaafadda loo ogolaan kulanka, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay salaadiinta iyo xukuumadu dood adag ka yeesheen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin ka qayb galka shirarka Somaliya iyo weliba xadhiga Boqor Cismaan Buurmadoow.

Sida uu warku sheegay mid ka mid ah salaadiinta Somaliland magac ku leh oo kulankaas ka qayb galay, ayaa xukuumadda la hortagay dood adag, waxaanu sheegay inay xukuumadu tahay cidda afka ka furtay haanta, isagoo ula jeeda inay xukuumadu dhawaan goleyaasha ka ansixisay in la dabciyo xeerkii ay goleyaasha iyo xukuumadihii hore ansixiyeen ee la xidhiidhay ciqaabta qof kasta oo ka qayb gala shirarka Somaliya dawladaha loogu dhisayo islamarkaana lagaga soo horjeedo qaddiyadda Somaliland.  Suldaankaasi wuxuu sheegay inay salaadiintu yihiin cidda mar walba heeganka u ah ilaalinta qaranimada Somaliland, waxaanu codsaday inaan salaadiinta laga dhigin sida hangoolka marka reerka lagu ooto meel la iskaga tiiriyo, marka loo baahdana dib loo soo qaato.

Suldaan kale ayaa isna si adag uga hadlay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, waxaanu suldaankaas iyo dhawr suldaan oo kale sheegeen inaanay xukuumadda wax wada hadal ah la furayn inta ay xabsiga ku hayso Buurmadoow. Waxaana sida uu warku sheegay arrintaas ka dhalatay dood badan.

Xukuumadda ayaa qodobka hore ee ka qayb galka shirarka ay fadhido dawladda Somaliya, waxay ku sheegtay inay tahay dariiq ay tijaabinayso si loo gaadho yoolka xaqiijinta qaranimada Somaliland. Halka aanay xukuumadu si cad ug hadlin xadhiga Buurmadoow iyo go’aanka ay ka qaadanayso.

Suldan kale oo isna madasha fadhiyay ayaa iska riixay tuhumo lagu xidhiidhinayay inuu ku jiro abaabul uu cid ugu dirayo shirka Somaliya, waxaanu sheegay inaanu isagu ku jirin wax kasta oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, kulankaas ayaa ahaa mid adag oo xukuumadda iyo salaadiintu arrimo badan kaga wada hadleen.