Madaxweynihii Hore Ee Masar Xusni Mubaarik Oo La Amray In Xabsiga Laga Sii Daayo

0
582

Picture3Qaahira(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarik, ayaa la filayaa in xabsiga laga sii daayo, ka dib markii ay maxkamadi amarkaas bixisay.

Garyaqaan Fareed Aldayeb oo Madaxweynihii hore ee Masar u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda xabsiga laga sii-deyn doono Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, ka dib markii lagu waayay qaar ka mid ah dambiyadii cuslaa ee lagu oogay. Hase yeeshe haddii ay maxkamadu go’aankan ku sii dayso Madaxweynaha Masar, waxa suurtogal ah inay baasiin ku sii shubto xaaladda wadanka Masar, sababtoo ah sii daynta Xusni Mubaarik waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi uu xabsi ku jiro. Waxaanay ikhwaanku u arki karaan in labadooda la isku bedelay, taasina waa suurtogal inay sii kiciso kacdoonada ay wadankaas ka wadaan.