Saygeedii Oo Ay Balwad Uga Taag Weyday Ayey Ciqaab Uga Dhigta In Ay Shaarac Ku Dhex Xidh-Xidho

0
612

Picture2Kathmandu (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Nepal ee ku yaalla qaaradda Asia ayaa ninkeedii oo waano iyo wax u sheeg ka qaadan waayey waxa ay ciqaab uga dhigtay in ay sidii qof waalan ugu dhex xidh-xidho shaarac ay dad badani marayaan. Gabadhan waxa qaba Chandra Bandera oo da’diisu tahay 65 Jir, sida ay wararku sheegayaanna waxa ay khaatiyaan ka istaagtay ninkeeda oo lahaa balwad khamri cabis ah, oo ay muddo dheer kala talinaysay in uu iska joojiyo, balse aanu dheg u dhigin waanadeeda. Markii ay dariiq kasta u martay balse uu ka diiday in uu joojiyo balwaddan xaaraanta ah oo ninkan dishootay, aakhirkiina waxa ay gabadhani go’aan ku gaadhay in ay xoog u isticmaasho sidii ay ninkeeda uga joojin lahayd cabista khamriga.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay si kedis ah isaga oo hurda ay xadhig adag ku xidhxidhay kadibna isaga oo laba-dbile u xidhan oo gacanaha ka seetaysan ayaa ay dibadda uga soo saartay guriga oo ku yaalla mid ka mid ah shaaracyada ugu waaweyn ee dadku aad u maraan ee magaalada Kathmandu xarunta dalka Nepal, waxa aanay dhabarka ugu xidhay biro ku yaallay shaaraca hor mara guriga.  Sida ka muuqata sawirka qormadan la socda oo ah sawir dhab ah oo dhacdadan qosolka leh laga soo qaaday, ninkan oo cadhaysan oo intii awooddiisa ah isku dayeya in uu ka muruxsado xadhiga, balse itaal gabay, ayaa maalin dhan ku xidhnaa shaaracaas, waxaana intii uu xidhnaa ku soo qulqulayey dadka u soo daawasho tagaya arrintan oo ay maadays ka dhiganayaan, warbaahinta kala duwan iyo dadka shaaraca maraya oo aan dhaafayn. Gabadhan ayaa ku celcelinaysay in uu iska daayo balwaddaa xun ee ay uga taag la’ dahay.