Hargeysa: Munaasibad Lagu Daah-furay Urur Wacyigalinaya Dadka Qabba Cudurrada Macaanka Iyo Dhiig Karka

0
600

Picture1Hargeysa (Geeska) – Munaasibad balaadhan oo Axadii Doraad lagu qabtay Cisbitaalka Edna Maternity Hospital ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagaga dhawaaqay urur ka shaqeynaya wacyigalinta dadka qaba cudurrada MACAANKA iyo DHIIG KARKA.

Ururkan oo ay aasaaseen qaar ka mid ah arday caafimaadka ka baratay jaamacadda Caafimaadka ee Edna ee Magaalada Hargeysa isla-markaana isku xilqaamay  inay ka shaqeeyaan cudurrada MACAANKA IYO DHIIG KARKA, ayaa waxa Munaasibadii lagaga dhawaaqay ka qayb-galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shukri Xariir Ismaaciil, Drs Edna Aaden Ismaaciil, masuuliyiinta ururrada bulshada qaarkood iyo weliba ardayda caafimaadka ka barta Edna Hospital.

Samsam Jaamac Muxumed, oo ka mid ah aasaasayaasha ururkan oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahisay ujeedada ay u aasaaseen ururkan “Waxaanu nahay arday dhigata jaamacadda Edna Hospital, saddex sanadood oo saddex bilood ka dhiman yihiin ayaanu cisbitaalka joognaa, intii aanu joognay Cisbitaalka dhibaatooyinka inta badan nagu soo noqnoqda labadaasi xanuun iyo dhibaatooyinka dadka ka haysta, dadkeenu ma yaqaanaan labadan xanuun iyo sidii ay ula noolaan lahaayeen, waayo labaduba waxay u baahan yihiin inuu qofku noloshiisa wax ka bedalo” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in mushaakilaadka jiraa ay yihiin in dadku aanay fahamsansanayn xanuunada isla-markaana kuwooda dhakhaatiirta la soo xidhiidhaa mararka ay daawadu xanuunka ka jari waydo ay iskaba daayaan, iyagga oo beenaysta jiritaanka labadan xanuun, waxayna tibaaxday in sababahaasi awgeed ay isku xilsaareen in bulshadooda ka wacyigaliyaan xanuunadan iyo qaababka ugu haboon ee qofku ula noolaan karaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo iyadduna halkaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay ururkan ay aasaaseen dhalinyarada caafimaadka baratay ee isku xilsaaray wacyigalinta dadka qabba xanuunada Macaanka iyo Dhiig Karka “Ururkan aad baa loogu baahnaa, waddanka inuu ka hirgalana way wanaagsanayd, dadkeenuna way wada qabaan” ayay tidhi Marwo Shukri.

Guddoomiyaha ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, oo iyadduna halkaasi ka hadashay ayaa si aad ah u soo u dhaweysay aasaaska ururkan, waxayna sheegtay inay doorkeeda ka qaadan doonto sidii uu si muuqata dadka uga wacyi-galin lahaa sida ugu haboon ee qofka qabaa ula noolaan karo.

Xafladda oo lagu soo bandhigay riwaayad iftiiminaysa sida dadka Soomaalidu aanay aqoonta ugu lahayn labadan cudur ee khatarta ah iyo sida qaarkood ay isugu dayaan inay siyaabo khuraafaad ah isku daweeyaan, ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu wasiirku soo dhaweeyay ururkan “Aasaasida ururka dadka qaba cudurrada Macaanka iyo Dhiig Karka, waa talaabo qiimo leh, waana kii koowaad ee noociisa ah, waanan idinku hambalyeynayaa kaalinta aad garateen” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu aad ugu mahadnaqay Marwo Edna Aaden oo ardaydan soo saartay.