Mujaahid Cabdisalaan Turki Oo Booqday Dugsiga Mujaahid Quule Aadan Dool

2
823

Picture1Hargeysa( Geeska)-Mujaahid Cabdisalaan-Turki oo ka mid halgamayaashii SNM, ayaa booqasho ku tegay Dugsiyada Quulle Aadan (Ex Axmed-Gurey) oo ku yaalla magaalada Hargeysa halkaas oo uu Dardaaran iyo Taariikh ugu Gudbiyay Ardayda dugsigaasi wax ka barata.

Ugu horreyn maamulaha Dugsiga sare ee Quulle Aadan Abwaan Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa soo-dhaweeyay mujaahidka, warbixina ka siiyay xuska qabanqaabada hawlgalkii Badjeex ee 12/April/1983-kii ay mujaahidiinta SNM ka fuliyeen xerada Birjeex oo la doonayo in lagu qabto iskuulka.. Sidoo kale maamuluhu waxa uu xusay inay xafiiskooda ugu magac-dareen Kaam Liibaan oo ay deggenaayeen Unuggii Sayid-Cali, fasalladana ay u bixiyeen goobo ka turjumaya halgankaas SNM oo kala ah Habuura, Madaweyn, Balligubadle, Burco-duurray iyo Durya.

Mujaahid Cabdisalaan-Turki ayaa bogaadiyay hindisaha ardayda loogu barbaarinayo taariikhda dalka Somaliland, ardaydana uga warramay qiimaha ay ku fadhiyaan magacyadan loo bixiyay iskuulkooda isagoo kula dardaarmay inay ilaashadaan qarannimadooda maadaama oo ay yihiin kuwa hananaaya hoggaaminta waddanka.

Mujaahid Cabdisalaan-Turki waxa uu si faahfaahsan uga warramay tacaddiyadii aasaaska u ahaa halganka SNM, sad-bursiimadii ay Koonfuri qaadatay xilligii midawga, sida shacabka Somaliland loogu diiddanaa xuquuq badan oo ay leeyihiin iyo qaar ka mid ah maraaxilkii uu maray hannaankii SNM u martay xoreynta Somaliland. Waxa uu sidoo kale hoggaanka iskuulka ku ammaanay noolaynta taariikda ee ay wadaan, iskuullada kalena waxa uu ugu baaqay inay raacaan habkan ay hormoodka u yihiin Dugsiyada Quulle Aadan.

Ugu dambayntii maamulaha Dugsiga sare ee Quulle Aadan Abwaan Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa ballan-qaaday inay maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 13/April/2013-ka inay ku qaban doonaan xus ku saabsan hawlgalkii Badjeex ee  mujaahidiinta SNM kula baxeen Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad, isagoo Mujaahid Cabdisalaan-Turkina ku farxay qabashada xuskaas, sheegayna inuu goobjoog ka noqon doono.

Comments are closed.