Madaxweyne-xigeenka Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Burco

0
806

 

Picture4Burco(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wafti kale oo xukuumadda ka tirsan oo iskugu jiray wasiiro ,xildhibaano ,ka tirsan baarlamaanka Somaliland ,masuuliyiinta laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ayaa ka qaybgalay Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay 90 arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda magaalada Burco ,iyagoo dhagax dhigay dhismiyaal lagu kordhiyay oo la dhagax-dhigay.Ardaydan oo tiradoodu dhamayd 90-arday oo ka qalinjabiyay kuliyadaha maamulka iyo maaraynta Ganacsiga iyo shareecadda islaamiga ah oo munaasibada qalinjabintooda lagu qabtay xarunta Jaamacadda Burco ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadaasi  Prof . Saleebaan Dirir Cabdi waxaanu yidhi. “ Maanta waxaanu halkan shahaadooyin gudoonsiinaynaa 90-arday oo dhamaystay laba fakal oo kala ah , ganacsiga iyo shareecada islaamiga ,sadaa awgeed waxyaabaha aanu la yaabnay markaanu waraysanay jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ,kuliyada ugu caansan Somaliland ee aad loo bartaa waxay noqotay Bisniska iyo maaraynta markaa waxaan isleeyahay malaa wada lacagdoon ayaynu nahay taasi waa taa .

 

 

Waxa kale oo aan doonayaa in aan idiin sheego oo noo qorshaysan in aanu jaamacadda sedex qaybood oo ka mid ah sare u qaad-no sida maamulka

Jaamacadda ,macalimiinta , kuliyadaha waxbarasho  iyo dhaqaalaha oo liita “ Sidaasi ayuu Guddoomiyaha Jaamacadda Burco hadalkiisa kaga baxay .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardaydan ka qalinjabisay Jaamacadda Burco iyo dadkii ku soo tabcayba waxaanu yidhi “  Waxaanan marka hore hambalyo u diraynaa dhamaan ardayda maanta halkan fadhida ee Kuliyadahan dhamaysatay iyo waalidkoodba sidaa awgeed ,waxa loo baahanyahay aqoontaad  barateen in ay laba shay wax ka bedesho ,naftiina  iyo dadkiinaba ,waayo dagaal sokeeye ayaynu galay oo burbur ayaa inagu dhacay waxaana inaga dhintay dhaqankii ,beentii iyo khiyaamadiina way inagu bateen “ Sidaasi ayuu yidhi Madaxweyne ku xikeenku waxaanu intaasi ku daray “Maanta waa la tartamayaa waxaana lagu tartamayaa waxa wanaagsan ,jaamacaduhu way tartamayaan ,goboladu way tartamayaan ,degmooyinku way tartamayaan , ,Lixda gobol ee Somaliland maanta way wada gaadheen jaamacaduhu waana wax ilaahay loogu faano ,taasna waxaynu ku gaadhnay nabada aynu haysano ,waxaanu idiin balanqaadaynaa Xukuumad ahaan in aanu gacan ka gaysano jaamacadaha sidii tayadooda sare loogu qaadi-lahaa “ Sidaasi Md Saylici hadalkiisa kaga baxay, waxaanu ugu dambayn ardaydii qalin jebisay guddoonsiiyay shahaadooyinkii loogu tallo galay.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Sam-sam Cabdi Aadan ,wasiirka Madaxtooyadda Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ,Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha Cali Siciid Raygal , badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar , masuuliyiin kale oo kakala socday Baarlamaanka iyo Xisbi xaakimka Kulmiye  ,waxaaney dhamantood hambalyeeyeen ardaydan ka qalinjabisay kuliyadaha Ganacsiga iyo shareecada ee Jaamacada xarunta gobolka Togdheer ee Burco iyo macalimiintooda waxaaney usoo jeediyeen aqoontooda in ay ku dabakhaan bulshadooda iyo gobolkaba.