Baarlamaanka Somaliya Oo Doortay Shirguddoon Cusub

0
758

 

Picture3Muqdisho(Geeska)-Baarlamaanka dalka Somaliya ayaa shalay Maxamed Cismaan Jawaari u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Waxa uu xilkan haynayaa afarta sano ee soo socota, waxaanu ka guulaystay Cali Khaliif Galaydh.

Tallaabadan ayaa waxa ay tahay tii ugu horreysay ee loo qaado aasaaska dowlad rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya. Madaxweyne cusub ayaa isna lagu wadaa in la doorto toddobaadyo gudahood.

Prof Jawaari ayaa waxa inuu guuleeystay lagu dhawaaqay kadib markii Cali Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga labaad.

Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh uu ka helay 77 cod.

Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:

119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,

77 Cali Khaliif Galeydh,

23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo

5 Xasan Abshir Faarax.

Wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali-sanyare), oo ay aqoon dheer isu leeyihiin Mr. Jawaari, ayaa Geeska Afrika u sheegay inay muddo dheer ka wada shaqaynayeen wasaaradii shaqada iyo shaqaalaha ee Somaliya oo uu Mr. Cali-Sanyare ka ahaa agaasime guud, halka uu Mr. Jawarina ka ahaa agaasime waaxeed, “Waa nin aqoonyahan ah, edeb badan oo xidhiidho badan la leh umadda reer Somaliland.” Ayuu yidhi Cali-Sanyare oo u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay inuu Mr. Jawaari wakhtiyadii dambe  ka mid noqday golihii wasiirada ee dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Geesta kale, waxa isna gudoomiye xigeenka koowaad loo doortay nin lagu magacaabo Jaylaani Nuur.