Waxa Aanu Ka Cabanaynaa Taawar Ay Shirkadda Telesom Ka Dhisayso Guryahayaga Dhinacooda Oo Khatar Caafimaad Keenaysa

0
927

 

8585Iyadoo aynu wada ogsoonnahay dhibaatada ay leeyihiin Taawarrada (Towers) qalabka is-gaadhsiinta iyo laliska loo isticmaalo iyo xanuunada khatarta ah ee ay ku keenaan qofka ka ag dhow, ayaa dhowaan waxaa dhacday in shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ay si qarsoodiya u iibsatay dhul ku dhex jira sakad dhan walba ay guryo ka xigaan. Dadkii dhulkan u iibinayey shirkaddu waxa ay markii hore ku sheegeen in laga dhigayo xafiisyo balse wixii laga dhisayey waxa uu noqday Taawar (Tower) Isgaadhsiineed.

 

Haddaba waxa aanu si guud xukuumadda Somaliland iyo gaar ahaan hay’adaha ay arrintani khusayso uga dalbanaynaa in iyaga oo danaynaya caafimaadka iyo nolosha dadka muwaadiniinta ah ee aynu og nahay xaaladdeenna dhaqaale iyo caafimaad ay wax nagala qabtaan sidii ay shirkadda Telesom u joojin lahayd inay Taawarkan khatarta ah ka dhex dhisto dadkan, oo ay ku jiraan carruur iyo waayeel aanu marka horeba caafimaadkoodu taam ahayn.

Waxa aanu si cilmiyeysan uga xaqiiqsannay xeel dheerayaasha iyo dadka baadhitaannada cilmi ku sameeya dhibaatooyinka ka dhalan kara Taawarada noocan ah, in ay halis aan la dhayalsan karin ku yihiin caafimaadka dadka. Khataraha caafimaad ee illaa heer caalamiya la isla qiray in ay Taawaradu u leeyihiin dadkana waxaa tusaale ugu dhow inoogu filan Dr. Neil Cherry oo ah khabiir ka tirsan jaamacadda Lincoln ee dalka New Zealand oo mar uu arrintan si cilmiyeysan oo baadhitaan uu ku sameeyey uu uga hadlay, sheegay in xanuunnada laga qaado taawarada ka taagan meelaha dadka ka ag dhow ay ka mid yihiin:

1). Xusuusta oo qofka ka guurta (Memory loss), 2) Wadne xanuunka, 3) Kansarka (Cancer),

4) Ma dhalaysnimada, 5) Khalkhal iyo nusqaan abuur oo ilmaha uurka ku jira lagu arko, sida in uu noqdo naafo, in isaga oo aan dhamays ahayn uu soo dhasho iwm.

Khatarahaas caafimaad darro oo ugu yaraan afarta hore ay muddooyinkan u dambeeyey dadkeenna aad ugu soo badanayaan, ayey khubaradu xaqiijiyeen in biraha talefannada (Taawaradu) sababaha keena ka mid yihiin.

Waxaa cilmi ahaan la og yahay in qofka bani’aadamka ahi uu u adkaysan karo oo keliya hirarka gaadhaya illaa qiyaasta ah 10hz, halka biraha taawarrada ee talefannadu ay ka sidaan illaa 1900mhz ama ka badan, taas oo qofka bani’aadamka ahi aanu u adkaysan karin.

Haddaba waxa aanu ka codsanaynaa shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo dhulkaa ku iibsatay ujeedo aan ahayn Taawar in ay u naxdo muwaadiniinta oo birtaa ay ka fogeyso xaafadda iyo guryaha ku qabsan.

Waxa aanu mar kale dawladda, gaar ahaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khusayso, Culimada diinta, Wax-garadka umadda, Dhakhaatiirta iyo dadka danta umadda raaca ka codsanaynaa in ay culays nala saaraan shirkadda Telesom sidii ay birtaa uga fogeyn lahayd dadka maatada ah oo ay ku jiraan dad dhowaan uun qalniino caafimaad lagu sameeyey. Muwaadinku waxa uu xaq u leeyahay in sharciga, caqliga iyo awoodda dawladnimaba lagu difaaco.

Annaga oo ah waxgaradka iyo waayeelka deggen xaafadda Jigjiga yar, agagaarka dugsiga Irshaad, waxa aanu shirkadda Telesom iyo dawladdaba ku war gelinaynaa oo aan ku celcelinaynaa in aanaan marnaba ogolaan doonin in dano ganacsi loo burburiyo caafimaadka ubadka iyo waayeelka xaafadda gala.

Dadka xaafadda ee cabanaya waxaa ka mid ah:

1. Eng. Axmed Gaas Calli

2. Sheekh Daahir Aadan Muuse

3. Maxamed Yuusuf Ciise

4. Yuusuf Maxamed Sh Yuusuf

5. Maxamed Yuusuf Time Jaqaf

6. Axmed Ismaaciil Cali

7. Cali Qorane