Dufcadii 3aad Oo Ka Qalin Jebisay Xarunta Dhimirka SAHAN

0
901

 

sahan

Hargaysa(Geeska) Dufcadii 3-aad ee ka qalin jabisa SAHAN Voluntary Organizion oo ah urur dhaqan celin  u sameeya dadka dhimirka ah ayaa shalay xaflad loogu qabtaay xarunta ururkaas ee Xeedho oo ku taala duleedkeeda magaalda Hargaysa.

Ardaydan oo tiradoodu ahayd 42 waxa ay xaruntaas ka barteen xirfado ay ku shaqatagaan kuwaas oo kala ahaa Kambiyutarka,Laydhka,Dawaarka iyo Quraanka kariimkaa. Waxaana markii hore loo keenay xaruntaas Sahan sidii dhaqan celin iyo nasasho dhanka maskaxdaa ay u helilahaayeen. Waxanay xaruntaas ka bxayeen maalintii shalay ahayd iyaga oo caafimaadkaadu uu yahay taam isla markaana helay xirfado ay ugu shaqo tagaan magaalda.

Xafaldan qalin jabinta ee shahaadooyinka lagu goodoonsiinayay ardayda waxa ka soo qayb galay Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday , wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade, sheekh Aaadan Maxamuud Xiiray (Sh.Aaadan Siiro)  Sulaadiin, gudoomiyaha ururka Sahan Bashiir Maxamed Jaamac, Dr,Cabdisalaan Muuse Cali, oday dhaqameedyo, waalidiin iyo marti sharfkale oo aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadalay gudoomiyaha hay’ada Bashiiir Maxamed Jaamca oo faah faahin ka bixiyay xarunta iyo ardayda qalin jabinaysay, sido kale Bashiir waxa uu ka dhawaajiyay inay xaruntani u baantahay taageero si ay u siiwado Dhaqan celinta dadkeena dhimirka ah ee tiradoodu ay aadka u sii kordhayso.

Waxa isaguna xafladaas hadalo ka soo jeediyay sh.Aadan Maxamuud Xiiray oo siwayn ugu dheeraday sida ay utahay mid aad u haboon in taageero iyo taakulayn loo sameeyo dadka dhimirka ah ee dhaqan celinta u baahan. Waxaanu gudoomiyaha ururka SAHAN Bashiir uu siwayn ugu amaanay inuu yahay shaqsi wax qabadkiisa istaahila in lagu amaano oo lagarb galo. Waxanu sheekhu ka dhawaajiyay in uu bilkasta ugu deeqo dhaqaale xaruntan loona baahan yahay in bulshadeenuna ay dadaal ka gaystaan sidii loo siiwadi lahaa dadka dhiban in waxa loo qabanayo.

 Dr,Cabdisalaan Muuse Cali oo kamida dhakhaatirta ka hawl gala xarunta Sahan waxa uu talooyin wax ku oola u soo jeediyay ardaydii qalin jabinaysay iyo bulshawaynta Somaliland dhamaanteed isaga oo dadka kula dardaarmay inay si   wanaagsan ula dhaqmaan marka ay arkaan inuu qofka xiskiisu isbadalay hadaladiisina waxa kamida “Waxan leeyahay ardaydaa meesha ka baxaysa meeshu maaha goob dad xisku wax uga dhiman yihiin lagu soo xareeyay ee waxa ay ahayd goob lagu dhaqan celinayayo dad ay wax u dhintay balwad ay isticmaaleen oo dalkeena aad looga isticmaalo oo laga hadlay ( Qaadka ). Dadkaa markii la daryeelay iyadoon daawo la siin iyadoon la xidh xidhin sida cilaajyada 72 saacadood ayaa uu ugu soo noqday xiskoodii caadiga ahaa, taasina waxa ay ku tusaysaa in qofka hadii dhaqan celin suuban loo sameeyo inuu nolashiisi caadiga ahayd ugu soo noqonaayo, markaa qolada sahan waxan uga mahad naqaynaa wadada fiican ee ay u mareen dhaqen celinta dadka. Waxaanan ku baraarujinayaa dadka dhamaantii inaynu ku dadaalno sida aynu ula dhaqmayno marka xiskiisa ay wax iska dhimaan oo aynu iska ilaalino qofkaasi waa uu waalan yahay, waxbaa u dhiman iyo erayada noocaasa, ee aynu kula dhaqano inay qofkaa waxyar uun xiskiisa iska badaleen. Ardayda baxaysa waxaan leeyahay oo aan kula talo bixinayaa in waxii ku sababay inay goobtan yimaadaan anay mar labaad ku kicin oo ay ka waantoobaan.”

Waxa isna halkaas ka hadlay Sheekh Aadan-Siiro oo ka mid ah culimada Somaliland ee inta badan ka qayb qaata caawinta dadka tabaalaysan ee bulshada Somaliland ka tirsan.

dhamaanba masuuliyiinta iyo qaybii bulshada ee ka soo qayb galay xaflada qalin jabinta ah waxa ay amaan balaadhan u soo jeediyeen ururkan Sahan ee isgu gacanta ku haya dadkan dhaqan celinta lagu sameeyay.

Guud ahaanba xarunta SAHAN ayaa ah goob siway ugu bahaboon dhaqan celinta waxaana aad arkaysay, dadka ku xaraysan xaruntan oo heerkooda nadaafadu uu sareeyo waxaanay cayaarayeen kobada cagta isla markaana muuqaalkooda duleed uu yahay mid aad u heer sareeya oo ay u qushuuceen dhamaanba dadkii xaflada ka soo qayb galay.