Madaxweyne-xigeenka Oo Furay Shirweynaha Koowaad Ee Wakaaladda Qurbo-jooga

0
1003

 

joogaHargaysa(Geeska) Shir heer qaran oo ay qurba joota Somaliland ku falanqayn doonto koritaanka dhaqaalaha iyo horumarka dalka ayaa shalay ka furmay hotel Ambassador ee magaalda Hargaysa. Shirkaas oo ay soo qaban qabisay wakaalda qurba joogta Somaliland oo ay iskaashanayaan hay’ada jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxa la soo gabagabayn doonaa maanta.

Shirkan waxa ka soo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, wasiirka maaliyada Maxamed Xaashi, wasiirka qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire, wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire, , Gudoomiyaha SONSAF Aadan Xaaji Cali iyo martisharfkale oo badan. Waxaanu shirkan socon doonaa mudo laba maalmooda, waxaana la filayaa inuu soo gabagaboobo maanta.

Waxa shirkaas kahadlay oo amaan badan u soo jeediyay wakaalda qurba joogta iyo qurba joogtii shika joogayba madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waxaanu madaxwayne ku xigeenku ku dhiiri galaliyay inay shirkaas ka soo saran go’aano wax ku ool ah Somaliland wax tara waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Waxa maanta farxad wayn ii ah inaan idinkala soo qayb galo shirwaynhii koowaad ee qurbajoota somaliland, waxaan runtii aad u bogaadinayaa hay’ada qurba jooga iyo qurba jootan isaga timid daafaha dunida isaga yimid iyo dhinacyada ka soo wada shaqeeyay shirkan. Intaa kadib sidaad lawada socotaan xukumaadayadan imika jirtaa si kaduwan xukumaadii hore ayay ka leedahay siyaasad cad qurba joogta, iyada oo danaynaysa  doorka qurba joogtu qayb wayn inuu ka noqdo himilooyinka iyo horumarka qarankeenana curdinka ah. Iyada oo ay tahay inay inagala qayb qaataan dhinacyada dhaqaalaha maalgashiga fursahada jira iyo khayraadka dihin ee dalkeena ku duugan iyo inay nala dhisaan hay’adaha dalkan cilmiga iyo tiknoolajiyada. Waxaan idinku boorinayaa aqoonyahankiina waaya’aragiina iyo wax garadkiina shirkan maanta fadhiya inaad maanta shirkan ka soo saartaan waxyaabo u cuntama oo ay umada Somaliland ku liibaanto.”

Gudoomiyaha wakaalda qurba joogta Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax ayaa warbixin dheer oo ku sabsan shirka iyo sabaha loo qabtay shirkan iyo wayaabaha la damcsanayhay in ay ka soo baxaan kawaramay, ugu horayn waxa uu yidhi gudoomiyahu “Sida la sheegay waxa aan ku farsanahay inaynu madasha shirkan isugu nimaadno si aynu uga wada tashano aayo ka talinta jamuujiyada Somaliland. Waxan ugu mahadnaqayaa aqoonyahanka iyo wagaradka iyo qurba joogta Somaliland ee kulankan ka soo qayb galay, hay’ada SONSAF oo aanu hirgalinta shirkan iska kaashnay, masuuliyiinta kale iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland  oo noo badalay madaxwaynaha oo ka soo qayb gali lahaa shirkan balse ubaxay gobalka awdal hawl shaqo awgeed. Wakaalada qurba joogta Somaliland oo ka turjumaysa siyaasada xukumaada ee ku wajahan xoojinta iyo horumarinta iskaashiga jaaliyadaha iyo doorka qurba joogta Somaliland isla markaasna ka shaqaynaysa sidii himiladaas loo xaqiijin lakaa, inkastoo aanu ka mid ahayn hay’adii cusbaa xili yaglelida oo wax waliba xadidanyihiin. Waxan qorshaynaynaa sandkan inaan ku talaabsano dhawr qodab oo ay ku jiraan shirkan aynu maanta u fadhino oo ah shirkii koowaad oo ay yeeshaan qurba joogta Somaliland,”

Ugu danbayn Gudoomiye Saleebaan isaga oo ka hadlaya ujeedada ugu muhiimsan ee ay shirkan u qabteen “Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee shirkan ayaa ah inaan ka wada tashano hababka ugu fiican ee loo dhiiri galinayo iskaashiga qurba jota inkabadan kaalinta ay maanta kaga jiraan dalka. waxan filayaa ka gudoomiya ahaan in shirkan koowaad ee qurba joogu uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee ay abid yeshaan iyagoo ah wakaalad jirta oo madaxbanan, loona baahan yahay in shirkaas laga soo saaro go’aano dhaxal gala”

Wasiirka maaliyada Maxamed Xaashi oo isaguna shirka qurba joogta ka hadlay ayaa siwayn ugu amaanay kaalinta ay ka soo qaateen qurba joogtu halgankii dalka loo galay, waxaanu wasiirku sheegay inay xukumaadu ay damacsanthay inay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhanka baasaboorka  “Qurba joogtu kaalintii ugu xooganayd ee ay ka qaateen halgankii wadanka lagu xoreeyay waa hawshii u waynayd ee ay qabtaan, aad ayaanay ugu mahdsanyihiin, waxaanay sidoo kele ay ka qaateen dibu dhiskii dalka kaalin firfircoon, qurba joogta dhibaatoyinka ka haysta baasaboorka marka ay daka soo galayaan ha ogaadaan inaan ku talo jirno sidii aanu u fududayn lahayn ama aanu wax uga qaban lahayn, wadanku waxa uu hada galay marxalad cusub oo ah dalkani waa uu dihinyahay, waxa uu kolkaa u baahn yahay dibu dhis wayn dibu dhiskaas oo warshado leh oo arimo ganacsi leh oo shirkada leh, ta aan is leeyahay maskaxda inaad ku haysaan siddii warshadaha iyo gancsiga aad uga qayb gali lahaydeen ta dalka idinku soo celin doonta hadhawto, waayo beesada gabwday baankeeda dib loogu celiyaa oo kolay waad imanaysaane.”