Madaxweyne-xigeenka Oo Dalka Dibadiisa U Baxay Iyo Dareenada Lala Xidhiidhinayo Socdaalkiisa

1
726

 

aylacHargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shalay safar gaar ah ugu baxay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay inuu safarkiisu yahay mid gaar ah.

 

Md. Saylici, oo saxaafadda la hadlay, wuxuu sheegay inuu ku tagayo dalkaas Carabta, safar fasax ah, “Waxaan u baxayaa safar fasax yar oo gaaban ah oo illaa todoba cisho ah oo aan ku tagayo dalka Imaaraadka carabta waxaanse mudada aan dalkaasi ku sugan nahay aan kulamo la yeelan doonaa shacbiga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka iyo dawlada Imaaraadka Carabtaba xubno ka mid ah oo ay ka mid yihiin Ha’yada bisha Cas ee imaaraadka ee toban ceel inooga qoday duleedka Hargeysa.”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Saylici oo qolka Nasashada ugu waramayay Warbaahintu.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu shacbiga Somaliland iyo axsaabta siyaasadda u soo jeediyay inay doorashada deegaanka ee 28-ka Bisha November 2012 dalka ka qabsoomi doonta u galaan jawi nabad-gelyo oo la ilaaliyo maslaxadda guud ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaynu dhawaan galaynaa doorashadii deegaanka. Waxaan leeyahay doorashadani waa mid aynu ugu tartamayno uun maamulka degmooyinkeenna. Waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha inay u diyaar garoobaan oo ay codkooda bixiyaan isla markaana doorashadda laga ilaaliyo wixii cunfi ah iyo is qab-qabsi ah.”

Safarka Madaxweyne xigeenku wuxuu ku soo beegmay iyadoo la hadal hayo cadho uu Madaxwene xigeenku ka qaaday xil wareejintii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku sameeyay wasiirkii hore ee dib u dejinta Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan oo uu u magacaabay wasaaradda wershadaha oo ah wasaarad cusub, waxaana la sheegay inuu Madaxweyne xigeenku ku doodayo inaan habayaraate lagala tashan xil ka wareejinta masuulkaas oo ka soo jeeda gobalka Awdal ee uu Madaxweyne xigeenkuna ka soo jeedo dhalasho ahaan.  Laakiin sarkaal ka tirsan xafiiska Madaxweyne xigeenka oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay ayaa beeniyay jiritaanka warkaas, waxaanu sheegay inuu Mudane Cabdiraxmaan Saylici dalka Imaaraadka Carabta u tagayo hawlo gaar ah oo uu ku sheegay nasasho.

Maaha markii u horaysay ee ay soo baxaan warar sheegaya khilaaf ka dhex oogma Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waase markii labaad.

Comments are closed.