Hay’adaha Ammaanka Oo Xidhay Laba Nin Oo Dhallinyaro Ah Oo Ka Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0
3644

 

yaabHargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska ayaa shalay madaarka Berbera ku xidhay laba nin oo dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo ka soo laabtay safar ay ku tageen magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

 

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ah guddoomiyaha naadiga ciyaaraha ee wasaaradda duulista iyo Axmed-Dhego oo ahaan jiray guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo dhawaan la baabiiyay, waxaana la qabtay markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho. Hay’adaha ammaanka oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo sababta xadhiga labadan nin ayaanay noo suurtogelin, waxase ay warar xogogaali Geeska Afrika u sheegeen inuu xadhigoodu la xidhiidho safarka ay ku tageen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya, waxaanay dawladu u muuqataa inay ugaadhsanayso shakhsiyaadka reer Somaliland ee socdaalada ku taga dalka Somaliya.