Madaxweyne Waxaan Kaa Codsanaynaa In Aad Pinal Codeka Maxakamaddda Ka Qaado Si Aanu Markhaati Kaaga Noqono Maalin Qiimo Leh Xog-hayaha ururka BADBAADO

0
642

badbaadoHargeysa (Geeska)-Xog-haya urur-siyaasadeedka BADBAAO Maxamed Xiis Cabdi oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa kaga waramay siyaasadda ururka BADBAADO iyo u jeedooyinka uu taaganyahay ,sida ay u arkaan ka reebista ururka ee doorashooyink golaha deegaanka iyo arrimo kale .

Xoghayaha Badbaado, wuxuu u mahadceliyay taageerayaashoodii“waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa taageeroyaasha ururka Badbaado sidii ay u muujiyeen taaradooda iyaga waqti badana siiyey si uu guul u gaadho ururku ” ayuu yidhi Maxamed Xiis .

Waxa kale oo uu ka hadlay sida uu arko natiijadii guddidu soo saartay ee ururo ay ka mid yihiin lagu reebay oo uu ku tilmaamay mid caddaaladda gees marsanayd .Maxamed Xiis mar uu ka hadlaayey siyaasadda dambe ee ururku leeyhaya waxa hadaladiiska ka mid haa “taageeroyaasha Badbaado waxaan leeyahay dadkii ka gilgishay dhibaatooyinka yaala goloyaasha way galidoonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka siday doonaanba ha u galaane.”

Waxa kale oo uu sheegay xog-haya Badbaado in ay ujeedada ururku ahayd in dadka iyo dalkaba lagu dhaqo diinta Islaamka “ waxay ahayd ujeedada ururka Badbaado in diinta Islaamka Lagu dhaqo dalkeena inaga oo ah dad wada Islaama waxaase jira waxyaabo u baahan in la isku baraarujiyo “

Xog-hayaha ururku isaga oo markale ka hadlaayey sida ay shaqada u qabteen xubnaha gudida diiwaan-galintu waxa uu yidhi “ todobadan xubnood waxaan leeyahay waxaad samayseen lawada maqal ,taariikhdiinii baad madoobayseen idinka iyo kuwii idinka horeeyeyna aad baad u kala duwan tihiin oo waxay loo hayaa ammaan iyo wanaag ”

Xog-haya ururka Badbaado waxa kale oo uu baaq u diray taageero yaasha isaga oo u sheegay in aanay ururka Badbaado hadhin hase ,ahaatee a y barnaamij cad usoo gudbindoonaan waxaanu yidhi “ waxan leeyahay Badbaado may hadhin waanad arki doonaan sidayna u hadhin waxaanad u ku mahadsanitihiin sidii aad ugu dhabar adaygteen qoraxdii aad taagnaydeen iyada oo la rabay in aad kala tagtaan laakiin aad samirteen sidiina laydinku tiriyey .

Ugu dambayntii waxa xo-hayahu baaq u diray xukuumadda uu kaga codsnaayo in si cadaalad ah loo eego natiijdan gudidu soo saartay oo uu ku tilmaamay mid aan xaq a lawaafajin “ waxaan ku celinayaa hadalkii guddoomiyaha ururka oo aan leeyahay madaxweyne madax meel la taabto oo ka sarraysaa ma jirtee arrinta dib u eeg waxa kale oo aan kaa codsanaynaa madaxweyene in aad wax ka badasho xeer Pinal Code Maxakadadda si aad u noqoto Madaxweynihii ugu horeeyey ee wa x kaqabta si aanu kaaga markhaati kacno maalin qiimo leh “ ayaa yidhi Xog-hayaha ururka Badbaado Maxamed Xiis Cabdi.