Taliye Fadal Oo Si Maamuus Qaran Loogu Aasay Hargeysa Iyo Kelmadihii Ay Masuuliyiintu Ka Yidhaahdeen

0
704

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay si maamuus qaran leh loo aasay Taliyihii guud ee ciidamada Booliska Marxuum Cabdillaahi Fadal Iimaan oo habeen hore ku geeriyooday Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda xisbiyada iyo shacab badan oo reer Somaliland ah ayaa ka qayb galay aaska sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaana salaada Jinaasada lagaga tukaday Masaajidka Sheekh Mustafe ee Hargeysa,iyadoo lagu aasay xabaalaha masalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay. Alle haw naxariisto Marxuum Cabdillaahi Fadal Iimaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here