Madaxweyne Silanyo Oo Sheegay Inaanu Dhaqaalaha Midowga Yurub Dhabaha Ka Leexin Doonin, Doonista Somaliland

13
633

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inaanay caawimada midowga Yurub ay siiso Somaliland aanay ka leexin doonin dhabaha ay ku doonayso qaranimadeeda.

Sida lagu baahiyay barta uu Madaxweynuhu ku leeyahay twitterka, wuxuu sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso taageerada uu midowga yurub u fidinayo Somaliya, “Somaliland waxay soo dhawaynaysaa taageerada midowga Yurub ee Somaliya. Laakiin caawimada Midowga Yurub ee gobalku, Somaliland kama leexin karto dhabaha ay ku gaadhayso qaranimo.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha, oo u muuqda inuu la hadlayo Midowga Yurub oo shalay shir ugu qabtay dawladda Somaliya, magaalada Brussels ee wadanka Belgium.

Madaxweyne Siilaanyo, Sidoo kale, wuxuu bartiisan twitterka kaga hadlay shirkadda Genel Energy, oo uu sheegay inay la sii shaqaynayso Somaliland, “Dawladda Somaliland waxay sii wadaysaa iskaashiga ay la leedahay shirkadda shidaalka ee Genel Energy, waxaanan ku kalsoonahay in iskaashigayagu midho dhali doono.” Ayuu yidhi.

Comments are closed.