Diyaaradda Ethiopia Airlines Oo Khadkeeda Tigidhada Ka Saartay Duulimadyadii Somaliland

2
557

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia Airlines, ayaa shalay khadkeeda goosashada Tigidhada ka saartay duulimaadyadeedii Somaliland.

Shirkadda ayaa bogga ay ku leedahay Internetka ee laga goosto tigidhada, waxa marka uu qofka rakaabka ahi weydiisto inuu u socdaalayo Berbera oo ah garoonka keliya ee weli u diiwaangashan loo sheegayaa inaanay wax duulimaad ahi jirin, “Waanu ka xunahay, duulimaadyo ma jiraan.” Weedhaas ayay shirkadu soo dhigaysaa, marka qofka rakaabka ahi uu is yidhaahdo tigidh gooso.

Hase yeeshe shirkadu weli ma soo saarin wax war ah oo cadaynaya inay sidaas ku joojisay duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay Somaliland, waxase haddana la qiyaasi karaa suurtogalnimada inay shirkadu sidaas ku joojiso duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay Somaliland.

Waxaana Addis Ababa ku sugan raxan wasiiro ah oo halkaas u jooga sidii ay diyaaradda Ethiopia Airlines ugu qancin lahaayeen inay dib u bilowdo duulimaadyadeedii oo ay bishan joojisay, ka dib markii loo soo wareejiyay garoonka Hargeysa.

Comments are closed.