Madaxweyne Silanyo Oo La Filayo Inuu Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyo Iyo Xogaha Laba Shir Doceed Oo Ay Hargeysa Ku Qabteen Wasiirada Iyo Madaxda KULMIYE

0
425

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu saddex bilood gudahood ka dib mar kale galka seefta ka saaro oo uu sameeyo xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn.

dddd

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo, la filayo marka uu soo noqdo  inuu golihiisa xukuumadda ku dhex dhaco, waxaana talaabadan Madaxweynaha laga sugayo dabada ka riixaya madaxda xisbiga KULMIYE, oo isha ku haya wasiiro badan oo ay aaminsanyihiin inaanay awood siyaasadeed ku lahayn deegaanadooda.

Madaxda KULMIYE, ayaa soo jeedintan Madaxweyne Siilaanyo ku qanciyay ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ku biireen siyaasiyiin miisaan culus, kuwaas oo ay madaxtooyada iyo madaxda KULMIYE isla qaateen inaanay wasiiradani  lahayn awood ay ugu bagac dhigaan daruuraha mucaaradeeda ee isa soo qabsaday.

Warku waxa kale oo uu sheegay inaan weli Madaxweyne Siilaanyo lagu qancin inuu wasaaradda ka bedelo wasiir muhiim ah oo ay madaxda iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE u arkaan inuu caqabad ku yahay ololahooda, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Madaxweyne Siilaanyo iyo la taliyayaashiisa ayaa diidan in wasiirkan la taabto.

Siyaasiyiintii labada maalmood ee isku xiga ku biiray xisbiga Waddani, ayaa waxa ay dood iyo hadalo ka dhex dhaliyeen xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxaana geesta kale magaalada Hargeysa ka socda shirar ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka tashanaya sidii ay taageerayaashooda u ilaashan lahaayeen islamarkaana uga tashan lahaayeen sida ay uga hortagi karaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Laba shir oo kala duwan oo aanay haasaawe ka sokow midna wax la isku raacay ka soo bixin ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana keliya lagaga sheekaystay xaaladda siyaasadeed ee soo korodhay iyo sidii la isu abaabuli lahaa ee loo xoojin lahaa KULMIYE.

Waxaana sida ay wararku sheegeen labadan shir laga dhex arkay aragtiyo kala duwan oo ay qabaan wasiirada xukuumadda iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE. Madaxda KULMIYE ayaa wasiiro xukuumadda ka tirsan u arka inay dayaceen deegaanadii ay ka soo jeedeen, halka ay wasiiraduna aaminsanyihiin in KULMIYE ku dhisanyahay awooda xukuumadda ay ka tirsanyihiin ee aanu lahayn qorshe siyaasadeed oo cad.