Cabdillaahi-jawaan Oo Madaxweyne-xigeenka Uga Digay Inuu Baligubadle Ka Saaro Mashruuca JPLG

45
567

Hargeysa(Geeska)-La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Saylici ugu baaqay inuu ka noqdo talaabo uu mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee JPLG oo uu guddoomiye u yahay lagaga reebay magaalada Baligubadle ee gobalka Hawd.

1

Md. Jawana, oo shalay shirjaraa’id qabtay wuxuu Saylici ugu baaqay inuu fuliyo amarkii madaxweyne Siilaanyo ee ahaa in Baligubadle la siiyo mudnaanta koowaad, isagoo Saylici xasuusiyay inuu cod ka doonayo reer Baligubadle, “Madaxweynuhu amar ayuu bixiyay , madaxweyne-xigeenka ayaanan mashruuca JPLG guddoomiye ka ah, Baligubadle ku dar oo mudnaanta koowaad sii ayuu ku yidhi madaxweyne-xigeenka, waxa I soo gaadhay in liiskii laga saaray oo meelo kale oo ay ka mudantahay la soo geliyay, ceeb maaha, khaladna wuu dhici karaa laakiin waxaan leeyahay waar halaga daayo.” ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan oo sharaxay miisaanka iyo taariikhda Baligubadle leedahay iyo degmooyinka hoos yimaada. 

Mr. Jawaan oo la hadlaya madaxweyne-xigeenka islamarkaana xasuusinaya doorashooyinka soo socda isagoo ah murashaxa madaxweyne-xigeen ee KULMIYE, wuxuu yidhi  “Waxaan leeyahay madaxweyne-xigeen adigoo ku amaanan mashaariic badan oo aad qabatay, waxaan kugula talinayaa amarkii madaxweynaha iyo go’aankii aad kala qaadateen inaad dhaqan geliso, dadkani waa dadkaagii ku doortay, imikana cod ayaad ka doonaysaa, markaas haddii la yidhaahdo liiskii waa la idinka tuuray iyagoo mudnaanta koowaad lahaa waa dhibaato.” ayuu yidhi Cabdillaahi.

Cabdillaahi-jawaan waxa kale oo la weydiiyay sida uu u arko jagada ‘hoggaamiye’ ee uu xisbiga KULMIYE ku soo daray saaxadda siyaasadda, waxaanu sheegay inaanu sharciga waafaqsanayn, isagoo xisbiyada ugu baaqay inay shuruucda ilaaliyaan.

 

Comments are closed.