Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Dalka Ingiriiska Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo

0
3731

 

axmedHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta safar ugu baxo dalka Ingiriiska. Sidaas waxa xaqiijiyay ilo xogogaala.

 

Safarka Madaxweynaha oo aanay madaxtooyadu war rasmi ah ka soo saarin, waxa la filayaa inuu sii maro magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada safarka Madaxweynaha, waxase uu safarkiisu ku soo beegmayaa laba qodob oo uu midi yahay dhawaaqii dawladda Ingiriisku ku dhaliishay ammaanka Somaliland iyo  qodobka labaad oo ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud oo isna jooga magaalada London ee dalkaas Ingiriiska. Waxaanay Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriisku shalay yeesheen kulan ay kaga wada hadleen shirka uu Ingiriisku qabanayo bisha May ee sannadkan oo aanu Madaxweyne Siilaanyo khudbadiisii labada gole ku cadayn mawqifkiisa dhibta ah ee ku waajahan ka qayb galka shirkaas oo uu Ingiriisku sheegay inay guddoomin doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo David Cameron.

Waxaana Madaxweynaha safarkan ku wehelinaya wasiirada khaarajiga iyo qorshaynta Maxamed Cabdillaahi iyo Sacad Cali Shire iyo xubno ka tirsan qoyska madaxtooyada