Guddiga Doorashada Oo Ururada Uga Digay Inay Samaystaan Astaamo

0
611

 

komishankaHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa uga digay Ururadda siyaasadda iyo xisbiyada ka qeyb galaya doorashada deegaanka inaanay samaysan karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.

 

Sidaasna waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Waxa laydin ogaysiinayaa in aanay ururada iyo Xisbiyada ka qayb galaya Doorashada Golayaasha Deegaanku aanay samaysan Karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.”