Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda

0
899

siilaanyo 2

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay magacaabay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood. Warsaxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtoyadu Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa sidan u qornaa, “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa [xalay] xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku  magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Madaxweynuhu :

:

  Markuu Arkay:                                    Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay:                                      Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,

 

Markuu Tixgeliyey:                                Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL.

 

Wuxuu go’aansaday

 

In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:

 

1.         Cabdalle Ibraahim Maxamed

2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)

3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan

4.      Cumar Xasan Jaamac

5.       Maxamed Cabdi Maalik

6.      Aadan Geedi Qayadi

7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali