Aadan Mire Waqaf Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Eng Faysal Cali Waraabe

0
943

waqaf

Hargeysa(Geeska)- Garabka UCID ee uu hoggaamiyo Aadan Mire Waqaf, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo uu sheegay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxtooyada ku eedeeyay inay galeen dad aaminsan fikirka Somaliweyn, waxa kale oo uu ka hadlay xisbiga UCID oo uu khilaaf sharciyeed ka dhex taaganyahay. Aadan Mire Waqaf, ayaa warsaxaafadeed jawaab ah oo uu shalay soo saaray wuxuu ku yidhi  “Anaga oo tixraacayna hadal uu 02/09/2011 jeediyey Gudoomiyihii hore ee Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, hadaladaas oo meelka dhac weyn ku ahaa qarankan dimuqraadiga ah iyo dastuurkiisaba.

Ugu horayn waxa uu ku matalay Xisbiga UCID inuu yahay Hoteelka Maansoor. Oo hanti maguurto ah oo cid gaar ahina leedahay,halka Xisbiga UCID yahay Xisbi qaran oo ummadda Somaliland wada leedahay sida uu dhigayo distuurka qaranka iyo xeerarka u yaalaba Xisbiga UCID waa Xisbi qaran waxaana wada leh gobolada dalka iyo ummadda Somaliland oo dhan.

Gudoomiyihii hore waxa dhamaatay tobankii sanno ee xeerka Xisbigu u ogolaa ee uu isagu gacantiisa ku saxeexay, hogaanka ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID, Guddida fulinta iyo dhamaan masuuliyiinta gobolada dalka iyo xildhibaanada golaha wakiilada Xisbiga UCID waxay hiil u yihiin dastuurka Qaranka Somaliland iyo xeerarka u yaala.

Haddii Faysal Cali Waraabe ay suurta gasho inuu Xisbiga yeesho xisbiyada qaranka iyo ururada la furaayona cid gaar ah baa sheegan.

Ummadda Somaliland ha ogaato in Faysal duulimaad ku yahay diimuqraadiyada ka hanaqaaday Somaliland waxa uu Faysal ilaa maalintii laga helay doorashadii madaxtooyada bilaabay hadalo ka hor imanaya dastuurka iyo xeerarka dalka, iyo hadalo kale faquuqaya gobolada iyo dagmooyinka dalka waxaanu kala saarsaaray shacabkii Somaliland ee isku duubnaa.

Waxa kale oo uu si badheedh ah ugu hanjabaa inuu khalkhal galin doono nabadgalyada dalka haddii aan la yeelin sida uu isagu rabo.

Mudooyinkan dambena waxa uu kusoo daray inuu yidhaahdo Xamar ayaan tagayaa haddii aan la ii yeelin sidaan rabo ama maamul goboleed ayaan ka dhex sameynayaa Somaliland.

Faysal wuxuu hadaladiisa ku sheegay in cidda isaga ka hor timaadaa ILAAHAY la colowday taas oo meel ka dhac diiniya ah.

Waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in aanay Maxkamada sare xaq u lahayn dacwada Xisbiga UCID inay ka garnaqdo. meelna uu kaga dhacay madaxbanaanida Maxkamada sare ee sharafta leh ee Somaliland.”