Milicsiga Wargeyska : Madaxweynuhu Muxuu Ku Xushay Wasiir Duur?

1
914

 duur

Mudane Maxamed Caraale Nuur (Duur), ayuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo wasiirka arrimaha gudaha. Madaxweynuhu wuxuu digreetadiisa ku sheegay inuu go’aankan qaatay markii uu ku qancay in Mudane Duur jagan buuxin karo, jawaabta Duurna waxay noqotay inuu markiiba qalbi furan ku qaabilo masuuliyadda loo dhiibay iskana casilo xildhibaanimadii uu mudada dheer soo ahaa. Inkastoo uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay soo xulidda masuuliyinta uu xilka ugu dhiibayo qarankan kuna sheegay direetadiisa inuu sameeyay la tashiyo, haddana magacaabista Duur waxay keentay in rayul caamku isweydiiyo inuu yahay qofkii ku haboonaa buuxinta jagadan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, waa xilka marka laga tago jagada Madaxweynaha  ugu miisaanka culus maamulka xukuumadda, waxaana hoos yimaada qaybo ka mid ah amniga qaranka, dawladaha hoose, Booliska, waaxda socdaalka, ilaalada xeebaha iyo kuwo kale oo dhammaantood tiir u ah badbaadada qaranka. Madaxweynaha iyo wasaaradan oo sidii la rabay jaanta isula helaana waxay u sees tahay amniga guud ee qaranka iyo xasiloonida ay Somaliland ku faanto.

Mudane Duur, marka si guud loo eego waa aqoonyahan firfircoon wuxuu siyaasadda Somaliland si toos ah u soo dhex galay tan iyo markii la qabtay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu xildhibaanimo kaga soo baxay gobalka Saaxil, waxaanu xoghaye u noqday guddiga dhaqaalaha, mudadaasna wuxuu ahaa mucaarad hal adag oo bilowgiiba ka horyimid xisbigii UDUB ee uu ka soo baxay isagoo la saftay KULMIYE oo uu hadda wasiir u noqday. Sida dadka aqoonta u lihi ku tilmaameen waa masuul lagu aamini karo xil qaran. Hase yeeshe su’aashu waxay tahay xilkani ma yahay kii uu ka soo bixi lahaa?

Marka dhinac laga istaago, Mudane Duur wuxuu buuxin karaa dhinacyo badan oo laga yaabo inay yihiin kuwa uu ka eegay Madaxweyne Siilaanyo, waa nin aan daalin, hawlkar ah aadna ugu xariif ah ololayaasha iyo abaabulka siyaasadda, maadaama oo uu foodda inagu soo hayo xilli siyaasiyan xaasaasi ah marka la eego doorashooyinka iyo furashada ururada siyaasadda, waa shakhsiyad cod muhiim ah u soo hoyn kara hadba cidda uu la jaalka yahay.

Hase yeeshe marka laga istaago dhinaca kale waxa muuqata inaanu ahayn shakhsigii ku haboonaa xilka loo magacaabay oo u baahan waayo aragnimo siyaasi ah iyo khibrad dhinaca amniga ah, labadan qodob oo aan lagu sifayn Mudane Duur oo ahaa ganacsade u badan arrimaha rayidka ah waa furaha guul laga soo hooyo shaqada wasaaraddaas gaar ahaan xilligan oo uu guud ahaan amniga gobalku qasanyahay. Waxa iyana muhiim ah in hoosta laga xariiqo in xilkan amniga khuseeya oo ay gacanta ku dhigaan wasiir rayid ah iyo Madaxweynaha oo isaga iyo guud ahaan inta badan ee xukuumadiisuba yihiin siyaasiyiin rayid ah la iska weydiin karo su’aalo badan.

Si kastaba ha ahaate haddii Wasiir Duur xilkan guddoomay waxa la gudboon inuu la taliyayaal adag samaysto, dareemana culayska iyo adeegyada ay bulshadu wasaaradan ka sugaysaa inay ka badanyihiin kuwii laga filayay wakhtigii uu xildhibaanka ahaa.

 

  

Comments are closed.