Ururo Somaliland Ah Oo Cambaareeyay Weerarka Lagu Laayay Dadka Badda Marayay

0
558

Hargeysa(Geeska)-Xarunta Xuquuqal Insaanka, Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA iyo COMPAD oo ah sadex urur oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee saldhigoodu yahay Somaliland waxaay ku baaqayaan in si deg deg ah loogu sameeyo baadhitaan madax banaan si loo ogaado cidii ka danbaysay weerar lagu qaaday dooni maraysay biyo mareenka Babul Mandab ee xeebta Yaman halkaas oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo ka badan afartan qof.

Ururadan ka tirsan bulshada rayidka ah waxaay si adag u cabaaraynayaan weerarkas. Qaxoonti ay ka mid yihiin dad reer Somaliland ah ayaa lagu weeraray diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah. Waxa lagu dilay weerarkaas dad badan.

 Weerarkan bahalnimada ah ee sida tooska ah loogu bar tilmaameedsaday dad shacab ah waa mid aan la aqbali karin, arxan daran oo ka soo horjeedaa xeerka caalamiga ah. Waxaanu ku baaqaynaa in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo dhacdadan.”

Axmed Yuusuf Xasan, gudoomiyaha COMPAD

Hibak Ibrahim Gamute, Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Daraasaadka Siyaasadda Mobile: +252 634224668 Email: centerforpolicy.ed@gmail.com

Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka