Cali Gurey Oo Madaxweynaha Uga Digay Taariikh Xumo

1
687

Hargaysa( Geeska )-AFhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo hayo jidkii uu ku noqon lahaa madaxweynihii ugu xumaa ee Somaliland soo mara.

Md. Cali-Gurey, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu si kulul uga hadlay xadhiga masuuliyiinta uu ku jirto badhasaabkii Hargeysa ee bisha xidhan.  “Horta guud ahaanba xaaladda uu dalku maraayo, anigu 21-kii sano ee aynu dalka ku jirnay wali qalbigayga may soo galin Somaliland ka googooso, inaga oo dagaalo sokeeye ku jirnay ayaynu soo marnay , iyada oo dhibaatooyinka waawayn ay jiraan ayaynu soo marnay, maanta maalin aan anigu dalka Somaliland uga baqo badanahay, waxaan halkan ka sheegayaa in aanay jirin.” Ayaa uu yidhi, waxanau isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Madaxweynuu maalinbuu sheegay in caddaalad daro dalka ka jirto, waxaanu sheegay in ay baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen in wadanka ay jirtay caddaalad daro, macanuu waxa weeye caddaalad daro Daahir Riyaale masuul ka ahaa. Aniga oo hadalkaas daba socda waan ku raacay madaxweynaa inay ka jirto dalka caddaalad-daro baahday, waxaanse xasuusiyay in caddaaladu ay ka bilaabmato qalinkiisa.”

Md. Cali, isagoo ka hadlaya xadhiga masuuliyiinta xidhan, wuxuu yidhi i “Waad ogaydeen halkan dhalinta kacaanka raashin lagu qaybinaayo ayuu Xamarji soo maray dawladuu u sheegay, waxaanu ku joogsaday fiilo xidhan oo aanu ogayn, isaga oo sir maqabe ah oo is leh wax is tar, oo aan is lahayn wax  isyeel, laakiin shabakad xidhan oo raashinka lagu musuqmaasuqi jiray ayay furfurtay, dabadeedana waxa la damcay in la danba’baso oo isagii’baa la xidhay. Anigu Xamarji waxan garanayaa isaga oo 15-jir ah markii uu jabhada noogu yimi, waa naafo, waa ragii karintaas ka soo dhacay, ee ku dagaalamay halkan  iyada oo ay ciidamaddii Siyaad Barre haystaan, isaga oo caruura, maantana waxa qudha ee uu marti u yahay waa caddaalad, waxan hubaa in aanu helayn caddaalad, caruurtiisii ayaa dugsiga caruuraha kale kaga soo yidhaahdaan aabahiin waxa uu xaday raashin, bahdilaada iyo shaqsiyad dilka lagu sameeyay inankaas weeye waxaan runtii la qaadan karaynin, taasina waa muraayada aynu ku arki karno caddaalada uu madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ah hogaamiyahii ugu muddada dheeraa SNM uu ka yahay dalka hogaamiyaha.”

Isagoo isla cadaaladda ka sii hadlaya wuxuu Cali yidhi  “Caddaalad daradu maaha mid isaga uun ku kooban ee waa mid baahday, musuqmaasuqu waa mid baahay, xumaantu waa mid socota, dhac iyo colaad waxa ka jira bariga waad ogtahiin. Aniga si gaara ayay runtii ii taabatay Xamarji xadhigiisuu, anigu ma aqaano inamada kale,wax lagu xidhayna ma ogi, hadaan ka tagi waayana waxaan ogahay boqor Buur Madaw oo la yidhi isaga oo Dubai jooga yuu danbi galay, markaan idhi danbiguu galay waa maxayna, waxa laygu yidhi aflagaado madaxweyne, waa wakhtigii Siyaad Barre, waxii dadka lagu xidhi jiray, Waxaas uu boqor buur madaw ku xidhan yahay. “

Cali, wuxuu sheegay inay jiraan shakhsiyaad gaar ah oo dhibaatooyinkaas oo dhan samaynayaa, waxaanu yidhi “Waxan oo dhan qolada samaynaysa ayaan idiin sheegaya maanta, ama Axmed Siilaanyo ha rumaysto ama yuu rumaysane, waa kuwii odhan jiray Axmed Siilanyo waa daaquud, Siyaad Barrena waa daaquud, anagu laba daaqud u kala hiilin mayno, anigay igu odhan jireen markaan wardoonka SNM joogay, kuwaas ayuuna maanta Somaliland oo dhan gacanta ka saaray, siday doonaan bay yeelaan, wadankeena dhan inan buu ku xidhan yahay, subaxaas waxa uu ku soo toosana weeye, hadduu subaxaas cadhaysan yahay wadanku waa digada, hadduu faraxsan yahayna samadaynu koraynaa, wadankii dhamaaba hal shaqsi ayuu ku xidhan yahay.”

Ugu danbayntii waxa uu muj.Cali Guray hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “Axmed Siilaanyo anigu 25-sanadood ayaan Abu-Bakar Sidiiq aan u ahaa, 25-kaas sanadoodba cimrigayga waan ka jarayaa, waxaanse ogahay inuu laba mid uu noqonaayo, madaxweynii ugu wanaagsanaa ee Somaliland soo mara waa uu noqon karaa, haddii kooxda la shaqaynaysaa ay yihiin kuwo daacad ah oo aan iyagu wax kala riixanayn, miyay ka suurtoobi kartaa madaxweyne kale inuu ogalaado in wasiiradiisu ururo kala samaystaan oo hantidii dalka la galiyo, illaahaw muu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ahaado walaahi inay qoortu wada go’naan lahayad, maanta lacagtii umadda ayaa ururo lagu fan garaynayaa, wasiiradiisii ayaa kala leh ururo, inuu madaxweynii ugu wanaagsanaa noqdana waan jeclahay, lakiin wadada uu hayaa waa tii uu ku noqonayay madaxweynii ugu xumaa ee Somaliland soo mara.”

Comments are closed.