Hurdo yaraantu waxa ay lumisaa waxtarka tallaalka: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
567

kamaalWashington- Daraasad cusub ayaa daahfurtay in hurdo yaraantu ay yarayso waxtarka iyo faa’idada tallaalka. Sida lagu baahiyey barta internet ka ee health day news oo laga leeyahay dalka Maraykanka, arbacadii toddobaadkii dhowaa, natiijada daraasaddan waxaa lagu xaqiiqsaday tijaabo lagu sameeyey 125 ruux oo laga tallaalay cudurka Joonis cadka. Waxaana khubaradan oo ka tirsan jaamacadda California u soo baxday in hab-dhiska difaaca ee dadkii tijaabada lagu sameeyey kuwooda saacadaha yar seexdaa uu si aad u hoosaysa u soo saaray natiijadii difaac ee laga rabay marka tallaalkani gaadho. Daraasaddu waxa ay caddaysay in dadka saacadaha yar habeenkii seexda aanay difaac adag ka lahayn cudur sidayaasha iyo in dadka habeenkii seexda in ka yar lix saac ay cudursidayaasha 12 jeer laab uga nugul yihiin kuwa seexda habeenkii toddoba saac, sidaa awgeedna marka ay hurdadu yaraato aanay dawada tallaalku awood buuxda u siin karin dheef shiidka in uu iska difaaco cudurka.

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in saacadaha hurdo ee ugu habboon qofka qaangaadhka ahi ay yihiin 7 illaa sagaal saac in uu helo habeen kasta. Daraasado hore ayaa ka digay guud ahaanba caafimaadka qofka saacadaha yar seexda habeenkii oo ay sidoo kalana sheegeen in uu miisaankiisu aad u kordho.